Dagaal dib qarxay Beledxaawo iyo Xiisado adag oo sii faafeysa

Dagaal culus ayaa maanta markale ka qarxay degmada Beledxaawo ee gobolka Gedo, waxaana uu u dhexeeyaa ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) iyo kuwa Jubbaland. Iska horimaadka ayaa si gaar ah uga dhacay aagga xerada ciidamada ee UK, waxaana la soo wariyey in uu dagaalku ku sii fiday qaybo badan oo gudaha iyo daafaha magaalada ah.

In kasta oo ay adag tahay in si dhab ah loo helo xog la xariirta dagaalka, sababo isgaarsiinta Beledxaawo oo go’an, haddana ilo xog ogaal ah ayaa xaqiijiyay in dagaalku si toos ah ugu dhexmaray ciidamada DFS oo uu hoggaaminayo Cabdirashiid Janan, taliyaha cusub ee NISA ee Jubbaland, iyo kuwa maamulka Jubbaland.

Waxaa sidoo kale la xaqiijiyay in ciidamo gurmad ah oo ka kala yimid degmooyinka Doolow iyo Ceelwaaq ay gaareen Beledxaawo, taasoo muujinaysa in xaaladdu tahay mid aad u cakiran.

Dadka deegaanka ayaa intooda badan ka barakacay magaalada, iyadoo la isku adeegsanayo hub culus. Dagaalkan ayaa noqonaya kii afar-aad ee mudo 10 cisho gudahood ah ka dhex dhaca labada ciidan, taasoo ka tarjumaysa halis weyn oo amni oo ka aloosan gobolka Gedo.

Labada dhinac ee dagaalamaya weli kama aysan hadlin xaaladda, waxaana jirta dareen bulsho iyo cabsi la xiriira waxyeello rayid oo sii kordhaysa.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed