Ciidanka Danab oo howlgal ay ka fuliysay gobolka baay ku dishay horjooge caan ah

Howlgal qorsheysan ka fuliyeen Ciidanka Kumaandooska Danab ayaa la sheegay in lagu dilay xubno badan oo Alshabaab ahaa , kuwaa oo uu jiray horjooge sare oo ka tirsan kooxda, ka dib markii ay weerar ku ekeeyeen deegaanka Durduro ee gobolka Baay.

Xubinta la dilay ee Horjoogaha ahaa oo lagu magacaabi jiray Axmed Maxamed balse gudaha kooxda looga yaqaanay Mascuud ayaa la tilmaamay in uu ahaa shaqsi howlo badan qaba jiray.

Horjoogahan la dilay ayaa Alshaabaab u qaabilsanaa sida Danab sheegeeen samaynta iyo aasidda miinooyinka qarxa ee lagu weeraro shacabka iyo ciidamada dowladda. Ciidanka Danab ayaa sidoo kale carrababay in la laayay ilaaladii uu watay, waxaana meydkiisa laga soo bandhigay goobta uu howlgalka ka dhacay.

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay markale sheegtay inay xaqiijin doonto go’aankeeda ku aaddan ciribtirka Alshaabaab.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed