Geelle iyo Xasan Sheekh maxay ka hadli doonaan?

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo booqasho rasmi ah ku jooga caasimadda dalka Jabuuti ayaa halkaasi ka bilaabay kulamo gaar ah oo uu la leeyahay dhigiisa dalkaasi Ismaaciil Cumar Geell. Wahadaladaan ayaa diiradda lagu saari doonaa arrimaha amniga, iskaashiga sirdoonka iyo xoojinta wada-shaqeynta la-dagaallanka khataraha guud ee gobolka.

Kulamada oo ka dhacaya xarunta madaxtooyada Jabuuti, ayaa labada mdaxweyne kaga wadahadli doonaa xoojin lahaayeen isweydaarsiga xogta sirdoon, kor loogu qaadi lahaa tayada hawlgalka la-dagaallanka argagixisada, isla markaana loo adkeyn lahaa amniga xuduudaha iyo badqabka dalalka deriska ah.

Madaxtooyada Soomaaliya ka hadalashay socdaalka ayaa Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa tilmaamay in muhiim gaar ah u leeyahay iskaashi buuxa ee amni, si loola tacaalo caqabadaha gobolka ka jira.

“Labada Madaxweyne ayaa kulankooda kaga wada-hadli doona xoojinta xiriirka soojireenka ah iyo iskaashiga istaraatiijiga ee ka dhexeeya labada dal, gaar ahaan dhinacyada amniga, dhaqaalaha, siyaasadda iyo adkaynta xasilloonida gobolka” ayaa lagu yiri warka Madaxtooyada Soomaaliya.

Sidoo kale, socdaalka madaxweynaha waxaa ku wehliya Taliyaha Sirdoonka NISA Mahad Maxamed Salaad oo isna dhankiisa dhigiisa Jabuuti kala hadli doona iskaashiga dhinaca sirdoonka iyo amniga.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed