DFS oo Ciidamo Cusub Kusoo Dhaweeyay Beledxaawo iyo Xiisad wali taagan

Kadib maalmo ay magaalada Beledxaawo ee gobolka Gedo ka taagnaayeen dagaallo iyo xiisad xooggan, waxaa maanta halkaas ka dhacay dhaqdhaqaaq ciidan oo cusub, iyadoo Cabdirashiid Xasan Cabdinuur Janan uu ku soo dhaweeyay ciidamo la sheegay in ay ka soo goosteen maamulka Jubbaland.

Muuqaal la baahiyay ayaa muujinaya Cabdirashiid Janan oo ciidanka kula hadlayay goob fagaare ah, isaga oo faahfaahinaya xaaladda magaalada iyo qorsheyaasha uu wado. Wuxuu sheegay in ciidanka uu hoggaamiyo oo ku sugan xero lagu magacaabo UK ay dhawaan weerar la kulmeen, taasoo sababtay dagaal sababay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac. Ma sheegin inta uu gaarsiisan yahay khasaaraha jira.

Sidoo kale, Cabdirashiid Janan wuxuu tilmaamay in ujeedkoodu ahaa in ciidamadan la diiwaangaliyo, lana qalabeeyo si ay ugu biiraan qeybaha kala duwan ee ciidamada dowladda Federaalka ee ku sugan gobolka Gedo, balse ay jiraan culeysyo hor istaagay qorshahaas.

Hadalka Janan ayaa imanaya xilli wali ay ka taagan tahay magaalada Beledxaawo xiisad dagaal oo u dhaxeysa ciidanka dowladda Federaalka iyo kuwa Jubbaland. Dagaal culus oo Jimcihii ka dhacay magaalada ayaa sababay dhimasho iyo dhaawac, iyadoo dad shacab ah ay waxyeelo kasoo gaartay.

Waxaa sidoo kale la xusay in saacadihii u dambeeyay ay socdeen dadaallo ay wadeen odayaasha dhaqanka ee magaalada si loo yareeyo xiisadda, hase ahaatee dadaalladaasi ilaa hadda miro dhal kama aysan noqon.

Qoraallo labada dhinac ay soo saareen — Dowladda Soomaaliya iyo Jubbaland ayaa eedeymo culus la isu jeediyey, kuwaa oo midba kan kale ku eedeeyey dagaal iyo xiisadda taagan.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed