War-saxaafadeed ka soo baxay Howlgalka Midowga Afrika ee Taageerada iyo Xasilinta Soomaaliya (AUSSOM) ayaa si faahfaahsan loogu hadlay dagaalkii cuslaa ee Jimcihii ka dhacay deegaannada Sabiib iyo Caanoole ee gobolka Shabeellaha Hoose.
AUSSOM ayaa shaacisay in weerarkaas oo ay Al-Shabaab ku bilaabeen qaraxyo la iska difaacay, isla markaana weli gacanta lagu hayo deegaannadii lagu dagaallamay. Sida lagu sheegay bayaanka, howlgal wadajir ah oo ay la fulinayaan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya ayaa weli ka socda Sabiib iyo Caanoole, iyaga oo bartilmaameedsanaya xubnaha Al-Shabaab.
“Waxaan wadnaa howlgallo lagu xaqiijinayo Amniga guud ee Sabiib iyo Caanoole, AS waxaan ka dilnay xubno badan, hubna waan ka qabsanay,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka AUSSOM.
Howlgalka ayaa sidoo kale ku dhawaaqay qorshe cusub oo ay ku doonayaan in Al-Shabaab looga saaro dhammaan deegaannada ay kaga sugan yihiin gobolka Shabeellaha Hoose.
Sidoo kale, Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa iyaduna sheegtay in ay guul ka gaartay iska caabinta weerarkii ay Al-Shabaab ku qaadeen Sabiib iyo Caanoole. Dowladda ayaa intaa ku dartay in xaaladda amniga ay hadda tahay mid deggan, inkasta oo dagaalkii dhacay uu sababay khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jira.
Si kastaba ha ahaatee, tirada rasmiga ah ee khasaaraha lama xaqiijin karo si madaxbannaan.
HBN ONLINE TV