Dowladaha Soomaaliya iyo Türkiga ayaa maanta kala saxiixday wax-ka-beddel lagu sameeyey heshiis difaac oo lix sano ka hor ay wada gaareen labada dal. Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi iyo dhiggiisa Turkiga, Yaşar Güler ayaa magaalada Istanbul ku kala saxiixday heshiiskan cusub, kaas oo dib u habeyn ku sameynaya habraaca fulinta ee kaalmada maaliyadeed ee ay Turkiga siiso Soomaaliya.
Heshiiskii hore ee labada dal ayaa dhacay 17-kii Luulyo 2019, kaasi oo waxyaabaha ku jiray ay ka mid ahaayeen Kaalmada Milateri ee Turkigu siiyo Soomaaliya iyo qodobo kale oo kaabaya nolosha ah.
Heshiiskan dib-u-eegista ah ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu xoojinayo iskaashiga istiraatiijiyadeed ee u dhexeeya Muqdihso iyo Ankara, gaar ahaan dhinacyada horumarinta tayada Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, tababarro joogto ah, talabeyn iyo dhisidda awoodda ciidanka.
Wasiir Fiqi ayaa sheegay in isbeddelka heshiiskan uu caddeynayo sida Dowladda Federaalka Soomaaliya uga go’an tahay in si hufan uga faa’iideysato taageerada saaxiibtinimo ee dowladda Turkiga, si maslaxadda qaranka loo hormariyo.
Iskaashigan cusub ayaa la filayaa inuu sare u qaado dadaallada amni iyo difaac ee Soomaaliya, xilli dalku uu ku jiro marxalad muhiim ah oo dib-u-dhis ciidan iyo dagaal lagula jiro kooxaha loogu yeero argagixisada.
HBN ONLINE TV