Dagaal ka dhacay beled-xaawo oo sababay dhimasho iyo dhaawac, iyadoo xiisadda u dhexeysa dowladda federaalka iyo jubbaland ay sii kordheyso

Ugu yaraan afar qof ayaa ku dhintay, tiro kalena way ku dhaawacmeen maanta, kadib dagaal culus oo dhexmaray ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya DFS iyo kuwa maamulka Jubbaland, kaasoo ka dhacay magaalada xuduudda ku taalla ee Beled-Xaawo gobolka Gedo ee u dhow xadka Kenya.

Dagaalku wuxuu bilowday kaddib markii magaalada uu yimid Cabdirashiid Xasan Cabdinuur Janan, oo lagu soo warramay in loo magacaabay madaxda cusub ee hay’adda sirdoonka iyo nabadsugidda qaranka Soomaaliya NISA ee gobolka Gedo. Janan ayaa la sheegay inuu magaalada ku yimid diyaarad qumaatiga u kaca oo ciidan ah, inkastoo dowladda federaalka aysan si rasmi ah u xaqiijin magacaabistiisa.

Wararka laga helayo ilo deegaanka ah ayaa sheegaya in Janan uu hadda ku sugan yahay xerada UK, oo ah saldhig ciidan oo ku yaalla Beled-Xaawo, islamarkaana ay gacanta ku hayaan ciidamada dowladda federaalka. Xaaladda agagaarka xeradaas ayaa aad u kacsan, iyadoo laga cabsi qabo in dagaal kale uu qarxo.

Dad deggan magaalada ayaa sheegay in rasaas culus la is weydaarsaday taasoo keentay barakac baahsan. Meherado badan iyo dugsiyo ayaa la xiray, halka hay’adaha gargaarku ay sheegeen in ay ku adkaatay in ay gaaraan dadka ay saameeyeen dagaallada sababo la xiriira amni-darro.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in ciidamada Jubbaland ay la wareegeen saldhigyo muhiim ah oo horey u hayeen ciidamada xoogga dalka Soomaaliya oo ay ka mid yihiin xarumo dowladda leedahay oo saraakiil maxalli ah ku tilmaameen kuwo istiraatiiji ah.
Jubbaland ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay masuuliyadda weerarka, iyagoo ku tilmaamay mid ay kaga jawaabayaan faragelin ay dowladda federaalku ku heyso maamulka gobolka.

Wasaaradda Amniga Gudaha ee dowladda federaalka ayaa si kulul u cambaareysay weerarka, iyadoo eedayn toos ah u jeedisay hogaamiyaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam Madoobe [Madaxweynaha Jubbaland], kuna eedeysay inuu amray weerar si ula kac ah loogu qaaday xarumaha dowladda.

“Fal dambiyeedkan waxaa geystay maleeshiyaad hubeysan oo si toos ah uga amar qaadanayay Axmed Maxamed Islaam,” ayaa lagu yiri war kasoo baxay wasaaradda. “Weerarka lagu qaaday dhismayaasha adeegga bulshada iyo xarumaha ciidanka xoogga dalka wuxuu halis geliyay nolosha shacabka, wuxuuna khatar ku yahay xasilloonida qaranka.”

Dhankooda, mas’uuliyiinta Jubbaland ayaa eedaymaha iska fogeeyay, waxayna ku eedeeyeen ciidamada daacadda u ah Xasan Sheekh Maxamuud [Madaxweynaha Soomaaliya] in ay ahaayeen kuwa bilaabay dagaalka. Waxay sheegeen in ciidamada Jubbaland ay “is difaaceen” kadib markii ay la kulmeen waxa ay ku tilmaameen “maleeshiyaad si toos ah uga amar qaata dowladda federaalka.”

“Magalada Beled-Xaawo hadda waxaa si buuxda gacanta ugu haya ciidamada Jubbaland,” ayaa lagu yiri bayaanka Jubbaland.

Dagaalkan cusub ayaa kusoo beegmaya iyadoo uu socdo muran muddo dheer soo jiitamayay oo ku saabsan cidda maamuleysa gobolka Gedo — oo ah deegaan taariikhi ahaan lagu muransanaa, una dhexeeya dowladda federaalka ee fadhigeedu yahay Muqdisho iyo maamulka Jubbaland ee saldhigiisu yahay Kismaayo. Khubarada falanqeeya arrimaha gobolka ayaa ka digaya in xiisadda sii kordhaysa ay carqaladeyn karto dadaallada dowlad-dhiska deegaanka, ayna sii halis gelin karto ammaanka shacabka.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed