Nairobi, Kenya, Luulyo 22, 2025 — Bookoob -bar casri ah (App) oo u heellan kordhinta aqoonta ku kaydsan Afsoomaaliga ayaa maanta si rasmi ah loogu daahfayday mareegaha kala duwan ee baraha bulshada. Barnaamijka, oo loo abuuray inuu ka jawaabo baahida aqris ee sii kordhaysa ee Soomaalida, ayaa afka hooyo kusoo gudbinaya nuxurka buugaag dunida saamayn ku leh oo aqris iyo maqal ah.
Maadaama ay si xowli u kordhayso tirada buugaagta sanad walba soo baxa, waxaa sii kordhaya murugsanaanta ku aaddan sida aqristayaasha/dhagaystayaashu ula falgalayaan badahaa sii ballaaranaya.
Bookoob wuxuu ku siinayaa gaadiid aad ku dhex mushaaxdo badweyntaa, isagoo aqoonta adduunweynaha ka dhigaya mid la heli karo, kooban oo la aqrisannkaro lana dhegaysan karo — iyadoo Isla mar ahaantaana la dhawrayo dhaqanka, la dhiirrigelinayo akhriska, la dhagaxdhigayo buundo isku xirta fekerka caalamiga iyo afka hooyo.
Waxaa barnaamijka hadda laga heli karaa oo lagala degi karaa degellada Play Store (Android) iyo App Store (IOS).
“Bookoob waa hannaan gacan ka gaysanaya ilaalinta afka iyo faafinta aqoonta iyo xikmadda,” ayuu yiri asaasaha Shirkadda Bookoob, Maxamed Cabdi Xaraare “Madashan waxaan u abuurnay in, dhammaan ubadka Soomaaliyeed iyo dadka waaweynba, ha joogaan Geeska Afrika ama qurbaha’e, ay helaan aqoon, sheekooyin ay wax ka kororsan karaan.”
Daahfurka Bookoob waxaa si toos ah maanta loogu qabtay warbaahinta bulshada iyadoo lasoo bandhigay tijaabooyin toos ah (demos), ra’yi celinta adeegsadayaasha, iyo wareysiyo lala yeeshay aasaasayaasha.
Barnaamijku wuxuu ku hanaqaaday maktabad sii kobcaysa oo kulmisay nuxurka buugaagta loogu iibsiga badan yahay dunida, buugaag ay qoreen qorayaal Soomaaliyeed iyo hannaan mudnaanta siinaya adeegsadaha oo u sahlaya dhegaysiga iyo akhsriska buugta labadaba.
HBN ONLINE TV