Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Cabdiraxmaan Daahir Bakaal ayaa gaaray magaalada Taipei, isagoo hoggaaminaya wafti ay ka mid yihiin Wasiirka Madaxtooyada Khadar Cabdi Xuseen iyo Taliyaha Ciidanka Badda Kornayl Axmed Hurre.
Waftiga Somaliland waxaa la tilmaamay uu soo dhoweeyay Safiir Galaal iyo Safiir Allen Lou, iyadoo booqashadani ay sii xoojineyso xiriirka labada dhinac ee Somaliland iyo Taiwan, inkasta oo uu Shiinuhu uu abaabulayo islamarkaana maalgelinayo maleeshiyaad wakiillo si adag uga falcelinaya go’aamada xiriirka debibadeed.
Xukuumadda Somaliland ayaa mudooyinkii dambe xoojisay cilaaqaadka kala dhexeeya Tiawan oo Shiinaha uu sheegto inay tahay gobolka isaga ka mid ah.
HBN ONLINE TV