Shirka dhameystirka SSC-Khaatumo oo caawa ka socda Laasacanood iyadoo xogo culus ay ka soo baxyaan

Waxaa caawa magaalada Laasacaanood ee gobolka Sool ka bilowday Wajiga labaad ee shirweynaha dhameystirka maamul goboleedka SSC-Khaatumo. Xarunta uu ka qabsoomayo wejiga labaad ee shirweynaha dowlad-dhiska deegaanada SSC-Khaatumo ayaa waxaa soo gaaray ergadii ka qayb-galeysay shirka.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya Cali Yuusuf Cali Xoosh ayaa si rasmi ah u furay Shirweynaha Ergooyinka ee Dhameystirka Dowlad Goboleedka SSC. Wasiir Cali Xoosh ayaa kula dardaarmay ergooyinka in ay waajibkooda u gutaan si waafaqsan shuruucda dalka, iyadoo la tixgalinaayo wadajirka Bulshada iyo ilaalinta midnimada.

Wuxuu sidoo kale sheegay in si sax loo abaari doono shaqada rasmiga ah ee dhismaha maamulka, isagoo ergada xasuusiyey in tan iyo 13-bisha markii la furay wajiga 1-aad ee shirka ay qasaareen maalmo badan ayna aheyd in wax badan lagu qaba karay.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa horey u sheegtay in ay taageersan tahay dadaallada lagu dhisayo maamul rasmi ah oo ka hanaqaada deegaannada SSC-Khaatumo, iyadoo balanqaadday in la tixgalin doono rabitaanka dadka deegaanka iyo hab-raacyada sharciyeed ee lagama maarmaanka ah

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed