Puntland oo war cusub ka soo saartay Markabkii hubka sida ee lagu qabtay xeenaha gobolka Bari

Puntland ayaa si adag uga hadashay markab lagu magacaabo SEA WORLD oo ay sheegtay inuu muddo laba maalmood ah si sharci-darro ah ugu sugnaa xeebaha magaalada Bareeda ee gobolka Raas-Casayr, isagoo aan wax codsi caawimaad ah u dirin dowladda Puntland, isla markaana xambaarsanaa hub cad oo sababi kara khatar amni.

War-saxaafadeed rasmi ah oo ka soo baxay Wasaaradda Warfaafinta Puntland ayaa lagu sheegay in markabku jebiyay sida qoraalka lagu xusay xeerarka caalamiga ah ee lagu hago badda, gaar ahaan Qodobka 19aad ee heshiiska Qaramada Midoobay ee UNCLOS, kaasoo mamnuucaya in maraakiibta hubeysan ay si qarsoodi ah u galaan biyaha waddan kale. Waxaa sidoo kale lagu xusay in markabku ku sugnaa aag dagaal oo lagu beegsado kooxaha argagixisada sida ISIS, taasoo cabsi dheeraad ah ku keentay amniga gobolka.

Puntland ayaa sheegtay inay xaq u leedahay inay baarto, hubiso, isla markaana tallaabo ka qaaddo markab kasta oo si sharcidarro ah ku sugan biyahaheeda, iyadoo xustay inay baaritaan rasmi ah ku waddo si loo ogaado cidda iska leh markabka, waxa uu wato, iyo ujeedadiisa dhabta ah.

Ugu dambeyntii, Puntland waxay si horudhac ah u sheegtay in markabkani uu halis weyn ku yahay xasilloonida iyo ammaanka gobolka, gaar ahaan maadaama uu ku sugnaa meel ay Puntland muddooyinkii u dambeeyay dagaal kula jirtay kooxda Daacish.

Puntland waxay ku adkeysay inay si buuxda u difaacayso baddeeda, amniga gobolka, iyo ilaalinta xuduudaheeda biyaha, iyadoo adeegsanaysa sharciyada badda ee caalamiga ah.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed