Hay’adda Sirdoonka Soomaaliya ee NISA ayaa sheegtay inay wado baaritaanno iyo dabagal ballaaran oo ku saabsan hantida iyo dhaqdhaqaaqyada maaliyadeed ee Alshabaab, iyadoo si gaar ah diiradda u saareysa uruurinta waxay ku sheegtay “Baadda” kooxdu yeeraan Zakawaadka.
War ka soo baxay hay’adda ayaa lagu sheegay in ganacsatada iyo shacabka Soomaaliyeed looga digayo in ay si toos ama dadban uga qayb qaataan bixinta lacagahaasi, taasoo lagu sheegay inay qeyb ka tahay maalgelinta Argagixiso, isla markaana ay ka dhan tahay shuruucda dalka iyo xeerarka caalamiga ah ee ka hortagga maalgelinta kooxaha xagjirka ah.
NISA ayaa sheegtay in cid kasta oo lagu helo inay bixisay Baadda Alshabaab, laga qaadi doono tallaabo sharci ah oo deg-deg ah.
“Qof kasta oo bixiya Baadda ay Khawaarijtu ugu yeerto Zakawaadka, waxaa laga qaadayaa tallaabo deg-deg ah oo waafaqsan shuruucda dalka iyo go’aannada maamul ee khuseeya” ayaa lagu yiri warka NISA.
Hay’addu waxay ugu baaqday muwaadiniinta iyo ganacsatada in ay si toos ah ula soo xiriiraan laamaha ammaanka haddii ay la kulmaan culaysyo ama codsiyo lacageed oo kaga yimaada kooxaha loogu yeero Argagixisada.
HBN ONLINE TV