Madaxweyne Xasan Sheekh & Mucaaradka oo Wadahadallo adag ugu ballansan Madaxtooyada

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta kulan xasaasi ah la leh hoggaamiyeyaasha mucaaradka, oo ay hor kacayaan madaxweynayaashii hore ee dalka, gaar ahaan Shariif Sheekh Axmed oo hoggaaminaya Madasha “Samatabixinta Soomaaliyeed”.
Kulankan ayaa daba socda wadahadalladii hore ee dhacay 25-kii June iyo 3-dii Luulyo, kuwaas oo ay labada dhinac ku kala aragti duwanaadeen arrimo muhiim ah.

Kulanka maanta ayaa diiradda lagu saarayaa qodobo culus oo ay horey isugu mari waayeen dowladda iyo mucaaradka, kuwaas oo kala ah: dib-u-eegista dastuurka, hannaanka doorashooyinka dalka, iyo doorka Madaxweynaha ee hannaanka siyaasadeed ee dalka. Ilo xog ogaal ah ayaa sheegaya in Madaxweyne Xasan Sheekh uu dadaal ugu jiro dejinta tabashooyinka mucaaradka si looga hortago khilaaf siyaasadeed oo sii xoogaysta.

Wadahadalladan ayaa imanaya xilli ay maamulada Puntland iyo Jubbaland si cad uga horyimaadeen habka ay dowladda u wado wax-ka-beddel ee dastuurka iyo jihada cusub ee doorashooyinka, taasoo sii hurisay xiisadda siyaasadeed ee dalka.

Kulankii hore ee labada dhinac ku yeesheen Madaxtooyada 3-dii Luulyo ayaa lagu ballamay in la isugu soo laabto 20-ka Luulyo oo maanta ku beegan, si loo sii ambaqaado qodobadii horay looga dooday. Labadii kulan ee hore waxaa la isla soo Afar qodob oo muhiim ah: adkeynta midnimada dalka, dib-u-eegista dastuurka, amniga iyo ciribtirka argagixisada, iyo hannaanka doorashooyin toos ah oo lagu heshiiyey.

Si kastaba ha ahaatee, falanqeeyayaasha siyaasadeed ee gobolka ayaa rumeysan in kulanka maanta uu fure u noqon karo hagaajinta xiriirka Villa Soomaaliya iyo mucaaradka, haddii si dhab ah loo tixgeliyo cabashooyinka mucaaradka, Haddii se kulanka uu u ekaado mid uun loogu talagalay sawir siyaasadeed, waxay saadaalinayaan in kala fogaanshuhu sii xoogeysan karo, taasoo halis ku ah xasilloonida dalka, iyada oo la tixgelinayo in doorashooyin guud ay soo dhow yihiin ee 2026.

Xog la xariirta Wax ka ogow waxa Mucaaradka harka iyo hoyaadka u diiday ee wax ka bedelka dastuurka?

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed