DFS oo digniin adag u diray dadka lacagaha siiya Alshabaab oo cawaaqib adag wajihi doona

Wasiirka Amniga gudaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa si adag uga hadlay lacagaha ay kooxda Alshabaab ka qaadaan shacabka, isagoo ku tilmaamay lacagaas “baad sharci-darro ah”, qofkii lagu qabtane uu sheegay in uu muteysan doono sida uu hadala u dhigay cawaqib adag.

Wasiirka oo ay garab taagnaayeen Wasiirrada Caddaaladda iyo Maaliyadda Soomaaliya ayaa sheegay in dowladda ay diyaarisay qorshe ballaaran oo lagu joojinayo dhaqaalaha ama lacagaha Alshabaab ka qaataan ganacsatada iyo shacabka Soomaaliyeed.

Fartaag ayaa amar ku siiyay hay’adaha amniga in ay bilaabaan dabagal xooggan iyo baaritaanno dheeri ah oo lagu ogaanayo cid kasta oo si toos ah ama si dadban u maalgelisa kooxda Alshabaab, isagoo tilmaamay in dadkaasi ay wajihi doonaan cawaajib sharciyeed culus.

“Ka digtoonaada waxaad maalgalinaysaan sharci ahaan lama ogala. Hay’adaha amniga, waa in dabagal dheeri ah ku sameeyaan oo qofkii ay ku qabtaan inuu arimahaasi lug ku leeyahay sharciga hor keenaan” ayuu yiri wasiir Fartaag, isagoo ugu baaqay shacabka in ay la shaqeeyaan hay’adaha amniga si loo jabiyo dhaqaalaha kooxda.

Digniintan ayaa qeyb ka ah dadaallada dowladda ee lagu dardargelinayo la dagaallanka maalgelinta argagixisada iyo amni darrada dalka ka jirta.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed