Waxaa maanta magaalada Muqdisho ka furmay shirka 34-aad ee Wasiirrada Gaashaandhigga dalalka ku bahoobay Ciidanka Heeganka ee Bariga Afrika (EASF), kaas oo lagu falaneynayo arrimaha amniga gobolka iyo horumarinta iskaashiga militari ee dalalka xubnaha ka ah ururkaasi.
Shirka ayaa waxaa si rasmi ah u furay Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi oo sheegay in Soomaaliya ay rajo weyn ka qabto in la dhaqan geliyo himilooyinkii loo aas-aasay ururka EASF. Wasiir Fiqi ayaa xusay in shirka uu ku soo beegmay xilli Bariga Afrika ay la tacaalayso caqabado amni iyo kuwo siyaasadeed oo halis ku ah xasiloonida iyo horumarka guud ee gobolka.
Wasiirka ayaa si gaar ah ugu mahadceliyay dalalka sida joogtada ah u taageera Soomaaliya, isaga oo si gaar ah u xusay Uganda iyo Burundi → kuwaas oo uu sheegay in xilliyo adag ciidamadooda ay u soo direen Soomaaliya, si ay uga qeyb qaataan sugidda amniga iyo dagaalka lagula jiro kooxaha loogu yeero argagixisada.
Wasiirka ayaa tilmaamay in iskaashi xooggan iyo mideysnaan ay muhiim u tahay sidii loo wajahilahaa halista argagixisada iyo wax kasta oo carqaladeyn kara nabadda gobolka.
HBN ONLINE TV