Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay kulankoodii toddobaadlaha ahaa ayaa diiradda saaray xaaladda adag ee abaareed ee ka jirta gobolka Awdal, gaar ahaan degmooyinka Saylac, Lughaya iyo tuulooyinka hoos yimaada.
Kulanka oo uu guddoominayay Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa lagu dhageystay warbixin ay soo bandhigeen Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Hay’adda Maareynta Masiibooyinka (SODMA), taas oo lagu iftiimiyey saamaynta daran ee abaartu ku yeelatay nolosha dadka, xoolaha iyo wax-soo-saarka deegaanka.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa faray hay’adaha dowladda ee khuseeya in ay si deg deg ah ugu gurmadaan dadka ay abaartu saameysay, isagoo bulshada Soomaaliyeed iyo hay’adaha caalamiga ah ugu baaqay in ay ka qeyb qaataan gurmadka bini’aadannimo ee la gaarsiinayo dadka deegaankaas.
Sidoo kale, Golaha Wasiirrada ayaa ugu hambalyeeyay Wasiirka Maaliyadda XFS guusha uu ku hantay abaalmarinta Wasiirka Maaliyadda ugu wanaagsan ee Qaaradda Afrika, taasi oo muujinaysa horumarka ka socda dalka gaar ahaan dhanka maamulka maaliyadda.
Dhanka kale, Golaha Wasiirrada waxey bogaadiyeen guusha Wasaaradda Warfaafinta ee hirgelinta xarun cusub oo casri ah oo lagu magacaabo Media Satellite Teleport, taasi oo kor u qaadday tayada adeegyada Warbaahinta Qaranka.
Gabagabadii, goluhu wuxuu ansixiyay heshiis is-afgarad ah oo dhex maray dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga, kaasi oo quseeya iskaashiga shaqada, shaqo-abuurka iyo horumarinta xirfadaha shaqaalaha Soomaaliyeed.
HBN ONLINE TV