Golaha Wasiiradda Hirshabeelle ayaa yeeshay kulankooda caadiga ah, iyagoo ka wada hadlay dagaalka Alshabaab iyo Dardar galintiisa howlgallo ka dhan kooxda oo dib looga bilaabi doono deegaannada ay ku sugan yihiin, sida madaxtooyada maamulka ay warbaahinta la wadagtay.
Kulanka oo uu guddoomiyay Madaxweyne Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa warbixin looga dhageystay xubnaha Golaha wasiiradda ee maamulkaasi. Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyadda Hirshabeelle Mohamed Shurie Nur ayaa ka warbixiyey kulanka Golaha Wasiirrada.
Wasiirka Wasaaradda Amniga ayaa Golaha uga warbixiyey xaaladdihii ugu dambeeyay ee dhanka Amniga waxa uu xusay in farsamo ahaan lagu mashquulsan yahay sidii dib looga saari lahaa Alshabaab degmooyinka iyo deegaanada ay dhawaan qabsadeen.
Sidoo kale, Wasiirka ayaa tilmaamay in ay taageerayaan ciidankad deegaanka si ay u xoojiyaan dagaalka Alshabaab.
Magaalada Moqokori iyo deegaanka Tardo ayaa waxaa dhawaan la wareegay Alshabaab, ka dib markii ay ka baxeen ciidanka dowlada.
HBN ONLINE TV