Ciidamada isku horfadhiyay Dhahar oo lakala qaaday

Waxaa lagu guuleystay in si nabad ah loo kala qaado ciidamadii isku horfadhiiyay gudaha magaalada Dhahar ee gobolka Sanaag, kadib xiisad dagaal oo halkaasi ka taagneyd tan iyo shalay, sababtayna dhimasho iyo dhaawac.

Dagaal culus oo laba jeer dhacay saacado gudahood ayaa sababay khasaare naf iyo hantiyeed oo kala duwan, iyadoo sidoo kale uu sababay barakaca qaar ka mid ah shacabka magaalada.

Iska horimaadka ayaa ka dhashay kadib markii ciidamada Puntland ay isku dayeen inay gudaha u galaan magaalada Dhahar, arrintaas oo ay ka hor yimaadeen ciidanka deegaanka Maakhir oo sheegtay inay difaacayaan deegaanka.

Waxaa xusid mudan in waxgarad, isimmo iyo odayaal dhaqameed ka kala tirsan labada dhinac ee Puntland iyo Maakhir ay saacadihii la soo dhaafay wadeen dadaallo lagu xallinayo xiisadda, taasoo ugu dambeyn sababtay in labada ciidan laga dhex galo oo la kala qaado.

Sidoo kale, mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Puntland ayaa maanta gaaray magaalada Dhahar, iyagoo ku biiray dadaallada lagu xasilinayo xaaladda, si looga fogaado in dagaal dambe ka dhaco.

Dhanka kale, Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka Puntland ayaa mid walba ka soo saaray warar kala duwan oo ku saabsan xaaladda gobolka Sanaag, iyadoo la is-weydaarsaday eedo iyo tuhunno siyaasadeed.

Xiisaddan ayaa timid xilli uu magaalada Laascaanood ka socdo Shirweynaha Dhismaha Maamulka SSC-Khaatumo, kaas oo lagu midaynayo gobollada Sool, Sanaag iyo Cayn, arrintaas oo ay ka dhasheen fal-celinno kala duwan oo siyaasadeed iyo militari.

Hbn Online Tv

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed