Xukuumadda Somaliland ayaa si adag u cambaareeysay Dowladda Federaalka Soomaaliya DFS, kadib shir ka dhacay magaalada Hargeysa oo uu guddoominayay Madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), kaasoo ay sidoo kale ka qeyb galeen hoggaanka sare ee xisbiyada siyaasadeed.
Somaliland waxay DFS ku eedeysay sida hadalka loo dhigay inay si toos ah faro-gelin uga wado deegaannada bariga gobolka Sool, halkaas oo uu ka socdo shir lagu dhisayo Maamulka SSC-Khaatumo, arrintaas oo maamulka Hargeysa ku tilmaamay “duullaan siyaasadeed oo ka dhan ah Somaliland.”
War-saxaafadeed ka soo baxay shirka Hargeysa ayaa lagu sheegay in shirka Laascaanood uu khatar ku yahay waa sida hadalka loo dhigaye xasilloonida Geeska Afrika, isla markaana uu saldhig u noqon karo khalalaase hor leh oo gobolka ka dilaaca. Somaliland waxay si cad u sheegtay in ay u aragto gobolka Sool inuu yahay qayb aan ka maqaneyn dhulkeeda, iyadoo intaas ku dartay inaysan marnaba aqbali doonin in DFS ay dhex gasho arrimaha gudaha ee Somaliland.
Xoghayaha Warfaafinta Xisbiga Kulmiye, Mustafe Shiine, ayaa sheegay in ay ka wada tashadeen sidii si qoto dheer dib loogu eegi lahaa shirarka ka socda Laascaanood, isagoo xusay in xukuumadda iyo xisbiyadu ay isla qaateen in go’aan mideysan laga gaaro arrimaha gobolka Sool.
Intaa waxaa dheer, kulanka Hargeysa waxaa looga hadlay arrimaha doorashooyinka ee la qorsheeyay in ay dhacaan 31-ka May 2026, iyadoo la isla meel dhigay in xisbiyada iyo guddiga doorashooyinku ay si degdeg ah uga gaaraan go’aan kama dambeys ah oo ku saabsan diiwaangelinta codbixiyeyaasha.
Dhanka kale, mucaaradka ayaa Madaxweyne Cirro su’aalo ka weydiiyay safaradiisii ugu dambeeyay ee uu ku tagay Kenya iyo Qatar, kuwaas oo ay sheegeen in laga qabay su’aalo iyo walaac siyaasadeed. Madaxweynaha ayaa ballan qaaday in uu bulshada la wadaagi doono warbixin rasmi ah oo ku saabsan socdaalladaas.
Ugu dambeyn, Somaliland waxay ugu baaqday beesha caalamka inay si dhow ula socoto xaaladda ka taagan gobolka, iyadoo si gaar ah Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud loogu eedeeyay in uu hurinayo sida hadalka u dhigeen colaad iyo qalalaase siyaasadeed oo dhiig badan sababi kara, taasoo xukuumadda Hargeysa ku tilmaantay duullaan ka dhan ah jiritaanka Somaliland.
Waxaa xusid mudan in magaalada Laascaanood oo labo sano ka hor ka baxday gacanta Somaliland in haatan uu ka socdo shir lagu dhisayo maamulka SSC-Khaatumo, taasoo ay si adag uga soo horjeedaan Somaliland iyo Puntland, iyagoo ku eedeeyay DFS inay gadaal ka riixayso mashruucan maamul-dhis ah.
Hbn Online Tv