Ciidanka Booliska Soomaaliya ayaa shaaciyay in ay xabsiga dhigeen Axmed Nuur Maxamuud, oo ah askari ka tirsan ciidamada dowladda, kaasi oo loo heysto in uu si ula kac ah u jir-dilay gabar Soomaaliyeed, kaasi oo sawirkiisa iyo xogtiisa lagu baahiyey warbaahinta.
Taliska Ciidanka Booliska ayaa sheegay in eedeysanaha lasoo xiray, isla markaana ay socdaan baaritaanno lagu xaqiijinayo xaqiiqooyinka kiiska, si loo hubiyo caddeymaha iyo duruufaha ku xeeran dhacdada.
“Falkan xadgudub ah wuxuu si cad uga soo horjeedaa sharciga iyo anshaxa ciidanka,” ayaa lagu yiri qoraal oo kasoo baxay Taliska Booliska Soomaaliyeed.
Booliska ayaa sidoo kale caddeeyay in Axmed Nuur Maxamuud la horgeyn doono Maxkamadda awoodda u leh si loo waafajiyo sharciga iyo caddaaladda, taasoo qeyb ka ah dadaallada lagu ilaalinayo sumcadda iyo kalsoonida shacabka.
Taliska Booliska Soomaaliyeed ayaa ku adkeystay in aysan indhaha ka laaban doonin fal kasta oo xadgudub ah oo ay ku kacaan askarta dowladda, iyagoo carrabka ku adkeeyay in qof kasta oo lagu helo ku takrifal awoodeed iyo falal ka dhan ah shacabka uu la kulmi doono ciqaab adag oo waafaqsan sharciga.
“Waxaa la farayaa dhammaan hay’adaha ammaanka in ay ka digtoonaadaan ku xadgudubka shacabka Soomaaliyeed ee ay u dhaarteen in ay ilaaliyaan naftooda, maalkooda iyo sharafkooda” ayaa la sii raaciyey Warka ka soo baxay Booliska Soomaaliya.
Ugu dambeyn, Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa mar kale shacabka u xaqiijiyay in ay ka go’an tahay ilaalinta xuquuqda muwaadiniinta iyo xaqiijinta caddaaladda, iyagoo ku booriyay in wixii cabasho ah ay si toos ah ugu soo gudbiyaan hay’adaha ku shaqada leh.
HBN ONLINE TV