Laasacaanood: Wararkii ugu dambeeye ee shirka dhameystirka SSC Khaatumo – halkeee wax marayaan?

Waxaa lagu wadaa in maanta magaalada Laascaanood, xarunta gobolka Sool, uu si rasmi ah uga furmo Shirka Weynaha Dhammeystirka Maamulka KMG ah ee SSC-Khaatumo. Shirka ayaa ah mid muhiim ah oo lagu dhameystirayo dhismaha sharciyeed iyo siyaasadeed ee maamulka cusub ee laga hirgelinayo deegaannada SSC.

Shirkan ayaa waxaa ka qayb galaya mas’uuliyiin sare oo ka kala socda Dowladda Federaalka Soomaaliya, hoggaanka Maamulka KMG ah ee SSC-Khaatumo, salaadiinta dhaqanka iyo qaybaha kala duwan ee bulshada rayidka ah.

Guddiga qabanqaabada shirwaynaha ayaa sheegay in diiradda lagu saari doono, dhameystirka sharciyada maamulka cusub, qeexidda jihada siyaasadeed ee dowlad-goboleedka SSC-Khaatumo iyo ka wadatashiga matalaadda shacabka ee heer federaal iyo heer gobol.

Saacadihii la soo dhaafay, waxaa magaalada Laascaanood ka socday kulamo gaar gaar ah oo ay yeesheen mas’uuliyiinta SSC-Khaatumo iyo waxgaradka deegaanka, kuwaas oo lagu dardargelinayay howlaha qabanqaabada shirka.

Si kastaba ha ahaatee, wararka qaar ayaa sheegaya in ay jiraan hoggaamiyeyaal dhaqameed dhaliil ka muujiyay habraaca shirka, iyagoo ku andacoonaya in aan lagala tashan arrimaha la xiriira qabashada arimaha qaar.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa horey u sheegtay in ay taageersan tahay dadaallada lagu dhisayo maamul rasmi ah oo ka hanaqaada deegaannada SSC-Khaatumo, iyadoo balanqaadday in la tixgalin doono rabitaanka dadka deegaanka iyo hab-raacyada sharciyeed ee lagama maarmaanka ah.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed