Maxay tahay hanjabaada cuslus ee Trump u diray Ruushka?

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump, ayaa hanjabaad dadban u diray dowladda Ruushka kadib weerar diyaarado aan duuliye lahayn oo Moscow ku qaaday isbitaalka hooyada iyo dhallaanka ee Ukraine.  Trump ayaa yiri: “Waxaad arki doontaan wax dhici doona,” taasoo u muuqatay digniin ku socota Ruushka.

Hadalkan ayaa yimid hal maalin kadib markii Trump uu ku dhawaaqay inuu soo bandhigi doono “bayaanno muhiim ah” oo la xiriira dagaalka Ukraine, isagoo muujiyay niyad-jab xooggan oo uu ka qabo ficillada Ruushka, sida hadalka uu u dhigay. Trump ayaa mar kale xaqiijiyay inuu taageersan yahay in hub dheeraad ah loo diro Ukraine, isagoo sharxay in xulafada NATO ay hubkan kasoo iibsan doonaan kaydka Mareykanka ka dibna u gudbin doonaan dowladda Kyiv.

Buug cusub oo la daabacay ayaa muujiyay in Trump uu horey ugu digay hoggaamiyaha Ruushka, Vladimir Putin, isagoo ku hanjabay inuu “si xun u duqeyn doono Moscow” haddii Ruushku weeraro Ukraine, intii lagu jiray muddo xileedkiisii koowaad. Sikastaba, mowqifka Trump ee ku aaddan Ruushka ayaa sii adkaanaya kadib markii dadaalladii xabbad-joojinta ay istaageen.

Wararka ayaa intaas ku daraya inuu ka fiirsanayo inuu taageero qaanuun ay labada xisbi ee Jamhuuriga & Dimuqraadigu wadaan oo dhigaya in cunaqabateyn dhaqaale oo xooggan ku soo rogi doona dalalka weli iibsada tamarta Ruushka.

Dhanka kale, Ruushka ayaa saacadihii la soo dhaafay wuxuu qaaday duqeymo culus oo gantaallo iyo diyaarado aan duuliye lahayn loo adeegsaday kuwaasi oo lagu beegsaday galbeedka Ukraine, isagoo duqeeyay goobo ka fog khadadka hore ee dagaalka, sida ay warbaahinta iyo saraakiisha Ukraine sheegeen maanta.

Shabakada wararka Kyiv Independent ee ka soo baxda Ukraine ayaa ku warrantay in qaraxyo laga soo sheegay magaalooyinka Lviv oo ku dhow xuduudda Poland iyo Chernivtsi oo ku dhow xadka Romania, sidaasi si la mid ah waxaa qarax laga maqlay magaalada woqooyi-galbeed ku taal ee Lutsk.

Duqa magaalada Lviv, Andrey Sadovy, ayaa qoraal uu soo dhigay barta Telegram ku sheegay in dab uu ka kacay mid ka mid ah dhismayaasha magaalada kadib weerarrada.

Ciidamada cirka ee Ukraine ayaa horey uga digay in gantaallo ballistic ah iyo drones laga soo diray gudaha Ruushka ay ku sii jeedeen dhanka galbeed ee dalka. Sidoo kale, diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ayaa lagu arkay iyagoo ku wajahan gobollada Ternopil iyo Volyn, sida laga soo xigtay ilo rasmi ah.

War kale oo arrimahan la xiriira, ciidamada qalabka sida ee Poland ayaa sheegay in ay hawada u direen diyaarado dagaal si ay u ilaaliyaan hawadooda inta lagu guda jiray weerarrada, sida laga soo xigtay militariga Poland.

Dhanka Ruushka, Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa daboolka ka qaaday in nidaamyada difaaca cirka ee dalkaasi ay xalay burburiyeen 33 diyaaradood oo drones ah oo laga soo diray Ukraine, kuwaas oo lagu bartilmaameedsaday hawada Jasiirada Crimea, gobolka Krasnodar, Bryansk, Rostov, Kursk, Voronezh, iyo biyaha Badda Madow iyo Badda Azov.

HBN Online TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed