Maxaa ugu dambeeyay shirka balaarinta maamulka SSC Khaatumo ee Laascaanood?

Wararka ka imaanaya magaalada Laascaanood ayaa xaqiijinaya in uu baaqday shirkii lagu waday in maanta uu si rasmi ah uga furmo magaaladaasi, kaasoo la xiriiray ballaarinta maamulka SSC-Khaatumo. Shirkan ayaa la filayay in uu noqdo mid muhiim u ah dhismaha iyo dardargelinta hanaanka dawlad-goboleed ee deegaanka.

Saacadihii ugu dambeeyay waxaa si xowli ah uga socday Laascaanood kulamo gaar gaar ah oo dhexmaray madaxda sare ee maamulka SSC-Khaatumo, wufuud heer Federaal ah oo halkaas ku sugan, iyo isimada dhaqanka ee deegaanka. Kulamadan ayaa looga gol lahaa in la helo is-afgarad ku saabsan qaabka loo dhisayo maamulka iyo qorshaha shirweynaha la filayo in la qabto.

Muuqaalka ugu weyn ee siyaasadeed ayaa ahaa kulan dhexmaray Hoggaamiyaha SSC-Khaatumo, Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali (Firdhiye), iyo Golaha Dhaqanka SSC, iyagoo diiradda saaray sidii loo dhammeystiri lahaa hannaan dawlad-goboleed rasmi ah, loona dardargelin lahaa qabsoomidda shirweynaha maamulka.

Dhinaca kale, Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Cali Yuusuf Cali (Xoosh), oo ku sugan Laascaanood, ayaa la kulmay qeybaha kala duwan ee bulshada, isaga oo adkeeyay muhiimadda wadajirka iyo ka qeybgalka dhammaan dhinacyada deegaanka.

Si kastaba ha ahaatee, warar hoose ayaa tilmaamaya in khilaaf uu jiro, kaddib markii qaar ka mid ah isimada dhaqanka ay ka biyo diideen qaabka loo wado qabanqaabada, iyagoo ku doodaya in aanay jirin la-tashi buuxa oo arrimaha qaar laga sameeyay.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa horey u shaacisay in ay taageersan tahay dhismaha maamul ay shacabka SSC-Khaatumo si xor ah ugu tashadaan, iyadoo ballanqaadday in la tixgelin doono talooyinka shacabka iyo dhaqanka deegaanka.

HBN Online TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed