SSC Khaatumo oo ka warbixisay qabqanqaabada shirka Laascaanood & Siyaasiyiin mucaarad ah oo hadlay oo digniin diray – maxay tahay digniintaasi?

Maamulka SSC-Khaatumo ayaa maanta si cad u beeniyay warar lagu faafiyay baraha bulshada oo sheegaya in wax isbeddel ah lagu sameeyay furitaanka shirka ballaaran ee lagu wado in uu berri oo ay taariikhdu tahay 10-ka Luulyo ka furmo magaalada Laascaanood, kaasi oo lagu yagleelayo maamulka curdinka ah Khaatumo.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee SSC-Khaatumo ayaa sheegtay in warqadaha la faafiyay ay yihiin kuwo been abuur ah, isla markaana aanay jirin wax isbeddel ah oo ku yimid gogosha iyo jadwalkii horay loogu heshiiyay. Wasiirka Arrimaha Gudaha SSC-Khaatumo Cabdisahal Jaamac Maxamed oo warbaahinta kula hadlay Laascaanood ayaa sheegay in shirku u furmi doono sidii qorshuhu ahaa, islamarkaana ay socdaan dhammaan diyaar-garowgii loo baahnaa.

“Waxaan cadeynaynaa in shirkii wax is bedel iyo dib u dhac ah oo caqabad oo horyaalla aanay jirin, Maalinta berrita ahne uu bilaami doono” ayuu yiri Wasiirka Cabdisahal.

Sidoo kale, Wasiir Cabdisahal ayaa xusay in ergooyinka ka qeyb geli doona shirka ay yihiin kuwo si gaar ah ay u soo xuli doonaan beelaha wada dega gobollada Sool, Sanaag iyo Cayn, iyadoo la filayo in madax sare oo ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka soo qeyb galaan furitaanka shirka oo ay iyagu furaan.

Wasiirka ayaa digniin adag u diray shaqsiyaadka iyo kooxaha faafinaya wararka been abuurka ah ee ku saabsan wax ka bedelka shirka, isagoo carrabaabay in tallaabo laga qaadi doono cid kasta oo carqaladeyn ku haya geeddi-socodka siyaasadeed ee maamulka.

Dhinaca kale, Siyaasi Cabdirisaaq Khaliif Axmed oo ka mid ah musharraxiinta u taagan hoggaanka maamulka SSC-Khaatumo ayaa maanta ka hadlay xaaladda siyaasadeed ee ka taagan SSC-Khaatumo iyo muhiimadda ay leedahay in horumarka maamulka lagu saleeyo sida uu aaminsan yahay hannaan sharci ah oo loo dhan yahay.

Cabdirisaaq Khaliif oo hadal ka jeediyay madal siyaasadeed oo lagu qabtay magaalada Laascaanood ayaa si cad u sheegay in maamulka SSC-Khaatumo uu furan yahay oo uu soo dhaweynayo cid kasta, balse aysan suuragal ahayn in dad aan deegaanka ka soo jeedin sida uu hadalka u yiri ay farta ku fiiqaan aayaha bulshada deegaanka.

“Wax kasta oo SSC-Khaatumo u soo kordhaya waan soo dhoweyneynaa, laakiin waxaan rabnaa in waddo sharci loo maro oo loo dhammmaado. Halkan nagama sheegan karaan dadkii carruurta la qaxay, mana aqbaleyno in la majare-habaabiyo mustaqbalkeenna oo walaaleheen laynaku diro,” ayuu yiri Cabdirisaaq Khaliif.

Hadalka Cabdirisaaq ayaa imanaya xilli shirka dhismaha rasmiga ah ee maamulka SSC-Khaatumo lagu wado in uu ka furmo Laascaanood, iyadoo uu jiro xiisad siyaasadeed oo ka dhalatay cidda xaqa u leh inay matasho deegaanka.

Siyaasiga ayaa ugu dambeyntii xusay in ay muhiim tahay in la ilaaliyo xasilloonida, lana tixgeliyo rabitaanka dadka deegaanka, si aan loo ogolaan in dano gaar ah lagu khaldo aayaha dadweynaha reer SSC-Khaatumo.

Shirkan ayaa masuuliyiinta deegaanka ku sheegeen mid muhiim u ah dhismaha iyo xoojinta maamulka SSC-Khaatumo, waxaana laga sugayaa go’aanno masiiri ah oo la xiriira qaab-dhismeedka maamulka, matalaadda beelaha, iyo xiriirka uu la yeelanayo Dowladda Federaalka.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed