Hiiraan: Abaabul dagaal oo ka dhan ah Alshabaab oo ka socda Maxaas

Magaalada Maxaas ee gobolka Hiiraan ayaa waxaa ka socda abaabul iyo diyaargarow ciidan oo ballaaran, kaas oo lagaga hortagayo kooxda Alshabaab. Magaalada waxaa ku sugan mas’uuliyiin heer Federaal iyo heer Gobol, kuwaas oo wada qorsheyn dagaal.

Waxaa la filayaa in Taliyihii hore ee NISA Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe uu saacadaha soo socda gaaro magaalada Maxaas. Sanbaloolshe ayaa halkaas kula biiraya mas’uuliyiin horey ugu sugnaa magaalada, oo uu ka mid yahay Guddoomiyihii hore ee gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cusmaan iyo saraakiil kale.

Mas’uuliyiintan ayaa la qorsheynayaa in ay kulamo gaar gaar ah la yeeshaan qaybaha kala duwan ee bulshada, gaar ahaan Saraakiisha Ciidanka Dowladda Federaalka iyo kuwa deegaanka, si loo adkeeyo qorshaha dagaalka.

Kulamada ayaa diiradda lagu saarayaa sidii dib loogu hawlgelin lahaa dagaalka ka dhanka ah Alshabaab, gaar ahaan sidii dib loogu qabsan lahaa magaalada Moqokori. Magaaladaasi oo ku taalla meel u dhow xadka u dhexeeya gobollada Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe ayaa dhawaan waxaa la wareegay AlShabaab, kadib dagaal culus oo horaantii todobaadkan halkaasi ka dhacay.

Wararka ayaa intaas ku daraya in xoogaga deegaanka iyo ciidamada Dowladda Federaalka ay wadaan diyaar garow xooggan oo lagu doonayo in markale Alshabaab looga saaro magaalada Moqokori, loona sugo ammaanka guud ee gobolka.

Moqokori waxay aheyd bar istaraatiiji u ah howlgalka ka dhanka ah Alshabaab ee ka socda gobolka Hiiraan — Maadama ay aheyd bar kulmisa dhinacyo badan oo ku jira dagaalka.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed