Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta jeediyay khudbad kulul oo uu si gaar ah diiradda ugu saaray xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo xiisadaha ka taagan gobolka Sanaag, isaga oo si toos ah farriin adag ugu diray maamulka SSC-Khaatumo.
Madaxweyne Deni ayaa sheegay in maamulka SSC-Khaatumo looga baahan yahay in uu ku ekaado xadkiisa maamulka, islamarkaana uu ka waantoobo sida uu hadalka u dhigay faragelinta uu ku hayo gobollada Sanaag iyo Highland.
“SSC-Khaatumo maamulkiina ku ekaada. Haddaad faragelinta joojin waxaydan muteysan, anane mudneyn ayey arintu isu bedelaysaa,” ayuu yiri Madaxweynaha Puntland.
Deni ayaa xusay in maamulka SSC-Khaatumo uu faragelin ku hayo sida uu hadalka u dhigay dadka gobolka Sanaag, isagoo leh “Faragalinta aad ku heysaan gobollada Sanaag iyo Highland joojiya”.
Wuxuu carrabka ku dhuftay in dadka deegaannada ay xiisaddu ka taagan tahay ay taladoodu taalo Puntland, ayna maamulka wax ka dhisteen.
Wuxuu ku celiyey isagoo wajigiisa shucuur adag oo siyaasadeed ka muuqato “Haddaa adinku go’aansateen inaad maamul gaara noqotaan, halkaa ku ekaada”.
Sidoo kale, Madaxweyne Deni ayaa xusay in ciidamada Puntland ee ku sugan gobolka iyo shacabka Sanaag ay heegan buuxa u ahaadaan difaaca deegaankooda, haddii ay timaado tallaabo kasta oo halis galin karta xasilloonida gobolka.
Dhanka kale, Madaxweyne Deni wuxuu dhaleeceyn u jeediyay madaxda Dowladda Federaalka ee ku sugan gobolka, isaga oo ku eedeeyay inay ka shaqeynayaan sida uu hadalka u dhigay in khalalaase ay ka sameeyaan Sanaag, iyaga oo isku dayaya in kacdoon ciidan iyo isku dhacyo laga sameeyo.
Xubnaha Mucaaradka oo uu fariin adag u diray ayuu ugu baaqay inay magacooda haddii ay ka runsheegayaan ay dalka badbaadiyaan, isagoo shirarka ay ku jiraan ku sifeeyey kuwa “madhaleys ah”.
Wuxuu sheegay in xubno ka tirsan dowladda Federaalka ay si ula kac ah ugu dhex milmeen qorshayaasha ciidamada si ay u wiiqaan midnimadooda iyo hawlgaladooda, taasoo uu ku tilmaamay talaabo qaran-dumis ah oo aan la aqbali karin.
Khudbadda Madaxweyne Deni ayaa imaneysa iyadoo ay jirto xiisad siyaasadeed oo sii xoogeysaneysa, una dhaxeysa Puntland iyo maamulka SSC-Khaatumo, iyadoo labaduba ay sheeganayaan gacan-ku-haynta gobolka Sanaag iyo deegaanada ku hareeraysan, taasoo dhalisay walaac laga qabo amniga gobolka iyo midnimada dowlad-goboleedyada dalka.
HBN ONLINE TV