Madaxweynaha dalka Masar Cabdulfataax Al-Sisi maanta kulan la yeeshay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud intii wadahadaladoodu socdeen waxaa uu ballanqaaday in xiriirka labada dal loo qaadi doono heer “iskaashi istiraatiiji ah oo dhameystiran” lagana shaqeyn doono xoojinta wada-shaqeynta dhinacyada siyaasadda, dhaqaalaha iyo amniga.
Shir jaraa’id oo ay si wadajir ah u qabteen ayaa Madaxweyne Al-Sisi ku sheegay in booqashada Xasan Sheekh ay “ka tarjumeyso qoto-dheerida xiriirka labada dal ka dhexeeya,” taasoo salka ku haysa taariikh, diin iyo dhaqan wadaag.
Wuxuu xusay in labada dhinac ay ka go’an tahay dhisidda iskaashi si dhab ah u adeegaya danaha labada shacab, islamarkaana xasillooni u horseedaya Soomaaliya iyo guud ahaan Geeska Afrika.
Intii uu socday kulan albaabadu u xirnaayeen, labada Madaxweyne waxay si qoto dheer uga wada hadleen xaaladda siyaasadeed iyo amni ee Geeska Afrika iyo Badda Cas, iyagoo isku raacay in la “xoojiyo iskaashiga” si loo ilaaliyo amniga gobolka oo uu Al-Sisi ku tilmaamay mid muhiim u ah nabadda gobolka iyo tan caalamkaba.
Sidoo kale, waxay isla meel dhigeen in la fuliyo heshiis siyaasadeed oo labada dal kala saxiixdeen bishii Janaayo, ayna qaadaan tallaabooyin muuqda si loo hirgeliyo, waxa uuna Madaxweyne Al-siisi sheegay in ay dhawaan dib uga furan doonaan magaalada Muqdisho xarun Safaaradeed oo muujin doonto mudnaanta ay siinayaan xiriirka iskaashi ee Soomaaliya.
Dhinaca difaaca, Madaxweyne Al-Sisi wuxuu markale adkeeyay sida dalkiisu uga go’an yahay fulinta heshiiska iskaashi ciidan oo la saxiixay bishii Agoosto 2024. Waxa uu sheegay in Qaahira ay sii wadi doonto tababarka saraakiisha iyo shaqaalaha dowladda Soomaaliya, ayna taageeri doonto hay’adaha qaran ee la dagaallamaya kooxaha xagjirka ah.
Waxa uu sidoo kale sheegay in Masar ay qorsheynayso in ciidamo milatari iyo boolis ka qeybgeliso howlgalka cusub ee Midowga Afrika ee taageerada iyo xasilinta Soomaaliya (AUSSOM), isagoo ugu baaqay beesha caalamka inay bixiyaan maalgelin “ku filan, waarta, oo la saadaalin karo” si loo taageero howlgalkaas.
Madaxweyne Al-Sisi ayaa sidoo kale amaanay dadaallada Madaxweyne Xasan Sheekh uu ku mideynayo shacabka Soomaaliyeed, la dagaallanka argagixisada iyo dhisidda hay’adaha dowladeed, isagoo ballanqaaday “taageero buuxda” oo Masar ay siineyso barnaamijyada dib u heshiisiinta iyo horumarka ee Soomaaliya ay hoggaamineyso.
“Maanta waa in aan sii wadnaa wadadan, annagoo ballaarinayna oo xoojinayna iskaashigeenna si aan u daboolno rajooyinka labada shacab ee walaalaha ah,” ayuu yiri Madaxweyne Al-Sisi, isaga oo intaas ku daray inuu rajeynayo in labada dal ay si dhow uga wada shaqeeyaan arrimaha mudnaanta leh ee quseeya Soomaaliya, Geeska Afrika iyo Badda Cas.
HBN ONLINE TV