Puntland oo sii deysay galka dilka xubno sarsare oo Daacish laf-dhabar u ahaa iyo xogta hoggaamiyihii kooxda halka uu ku sugan yahay

Maamulka Puntland ayaa sheegay in isaga oo kaashanaya saaxiibada caalamiga ay si adag u wadaan howlgal ballaaran oo lagu bartilmaameedsanayo kooxda Daacish, iyadoo xoogga la saarayo ka taqalusidda hoggaamiyeyaasha sare ee kooxdaasi.

Sida lagu sheegay war ka soo baxay taliska Howlgallada Ka-hortagga Argagixisada ee Puntland ayaa sheegay in howlgalkii Hilaac uu horseeday in illaa 85% laga takhaluso hoggaanka sare ee kooxda tan iyo markii uu bilaabmay dhamaadkii sanadkii hore 2024.

Shaqsiyaadka ugu muhiimsanaa ee la dilay oo ku dhow ayaa haayey xilal culus, iyagoo door weyn ka ciyaarayey isku xirka iyo qaabeynta howlahooda gobolka iyo doorka dhismaha maleeshiyaadka ay carbin jireen, waxaana ka mid ahaa:

1. Cabdixakiim Badiin Mawaled oo Yemeni ahaa, waxaa xilkiisa lagu sheegay madaxa waaxda booliiska (Hizba), kana tirsanaa hoggaanka sare ee kooxda.
2. Marwan Abdrisaaq oo Tunisian ahaa, wuxuu ahaa madaxa unugga dagaalyahanada ajaanibta, isagoo doorkaasine uu u saamaxay aqoontiisa luuqadaha luqado badan uu yaqaanay.

3. Barow Cabdi Macallim wuxuu ahaa Soomaali kasoo jeeda sida lagu sheegay bayaanka taliska gobolka Gedo, wuxuuna ahaa sarkaal sare oo maamul u qaabilsanaa kooxda aagga dhaasaan.
4. Axmed Saalax Sudaani oo ahaa nin kasoo jeeday Suudaan, wuxuu mas’uul ka ahaa sida la carrababay barnaamijka wacyigelinta diinta (Dacwah).
5. Ibraahim Hayyan wuxuu ahaa Moroccan, wuxuu madax ka ahaa sida hadalka loo dhigay waaxda qaraxyada iyo miinooyinka.

6. Dr. Xakiim Ubayda wuxuu ahaa nin ka soo jeeda dalka Malaysiya, wuxuu ahaa hoggaamiyaha waaxda caafimaadka kooxda.
7. Axmed Muuse Siciid oo Soomaali oo ka yimid gobolka Bari ayaa la tilmaamay inuu madax ka ahaa xiriirka dibedda, kaasi oo si fiican u yaqaanay afafka Carabiga iyo Ingiriiska.

Dhanka kale, galka xubnaha kale ee la kooxda laga qabtay ayaa waxaa magacyadooda kasoo muuqday: Cabdiraxmaan Shirwac Aw-Siciid (Lahoor) oo lagu eedeeyey inuu horey u ahaa madaxii unugga dilalka qorsheysan, isaga oo isa soo dhiibay ayuu ku geeriyooday xabsi si gaar ah loogu yahay, kadib markii la tilmaamay inuu xanuunsaday.

Geesta kale, Taliska Mareykanka ee Afrika ayaa sidoo kale dilay hoggaamiyeyaal muhiim ah oo ka tirsan kooxda, waxaana bayaanka lagu xusay: Axmed Maeleninine, u dhashay Cumaan – ahaa qorsheeye weerarro, waxaa lagu dilay duqeyn dhacday 1-da Febraayo 2025.

Sidoo kale, Suhayl Saalim Cabdi al-Raxmaan (Bilal al-Sudaani) oo u dhashay Sudan, lana xiriirinayay weerarkii Abbey Gate ee Kabul (Agoosto 2021), ayaa lagu dilay howlgal gaar ah oo Mareykanku fuliyeen Janaayo 2023.

Puntland ayaa sheegtay inuu hadafkoodu yahay sii wadida howlgalada, iyadoo weli la daba-joogo sida la tilaamay shaqsiyaadka harsan iyo kuwa la dilay sida: Cabdiraxmaan Fahiye, oo hoggaamiya unugga ugu dambeeya ee dagaalyahannada kooxda ee ku go’doonsan gobo tirsan.

Dhanka kale, Cabdulqaadir Muumin, “Amiirka” guud ee kooxda Daacish, ayaa baxsaday intii lagu guda jiray wejigii koowaad ee howlgalka, waxaana la rumeysan yahay inuu ku sugan yahay waqooyiga Mozambique.

Warbixinta ayaa lagu soo gunaanaday in Puntland ay ku adkaysanayso in howlgalka “Hilaac” uu sii socon doono ilaa laga burburiyo gebi ahaanba kooxda Daacish ee ku sugan gudaha iyo agagaarka dalka, iyadoo loo mahadceliyey taageerada saaxiibada caalamka, gaar ahaan Mareykanka, Imaaraadka Carabta, iyo la-hawlgalayaasha kale ee la dagaallamaya waxa loogu yeero argagixisada.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed