Wasaaradda Arimaha gudaha Soomaaliya oo ku dhawaaqday guddiga dhameystirka SSC-Khaatumo

Wasiirka Arrimaha gudaha Xukuumadda Soomaaliya Cali Yuusuf Cali Xoosh ayaa maanta magacaabay Guddi ka shaqaynaya dhammaystirka Dowlad-goboleedka SSCKhaatumo, kuwaa oo inta ay socoto arinta dhameystirka maamulka ka shaqeyn doona isku dubba ridka.

Waxyaabaha waajibaadka ah ee ee guddiga mas’uulka loo dhigay waxaa laga dhigay afar qodob oo culculusa, waxayna kala yihiin: Talo-bixinta iyo fududeynta ku saabsan dardargalinta iyo dhameystirka maamulka Dawlad Goboleedka SSC-Khatumo, isku xirka farsamo ee hay’adaha heer federaal & heer dawlad goboleed ee dhameystirka maamulka Dawlad Goboleedka SSC-Khatumo, talabixinta Arrimaha dhisamaha hay’adaha maamulka deegaanka iyo siyaasadooda iyo Soo diyaarinta warbixinno joogto ah oo la gaarsiiyo Wasaaradda iyo hay’adaha qaybta ka ah dhisamahiisa.

Guddiga la magacaabay oo isugu jira guddoomiye iyo xubno kale oo farsamo ayaa ka kooban 8 xubnood, waxaana magcaabistooda la ogeysiiyey madaxaweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda dalka iyo huggaamiyaha SSC-Khaatumo.

Inkasta oo kulankii bishii May ee sanadkan intii lagu gudajiray shirkii golaha wadatashiga qaran looga dhawaajiyey in SSC-Khaatumo tahay xubin ka mid ah golaha watashiga ee dowladda Federaalka, hadane waxaa la soo jeediyey shirweyne lagu dhameystirayo.

Guddiga dhameystirka SSC-Khatumo waxaa ku jira xubno ka socda gobolka Sanaag, tan oo ka dhigan in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay gobolka Sanaag ku darayso SSCKhaatumo, maadaama maamulka magaca uu huwan yahay ay qeyb ka tahay.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed