Dagaal culus ayaa ka dhacay maanta deegaanka Gumarre, oo hoostaga degmada Moqokoriee gobolka Hiiraan, kaas oo u dhexeeya Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya oo garabsanaya maleeshiyada deegaanka ee loo yaqaan Macawiisley, iyo dagaalyahanada kooxda Al-Shabaab.
Dagaalka ayaa billowday kadib markii AlShabaab ay ku dhaqaaqeen in ay saldhigyo ka sameystaan deegaanka Gumarre, taas oo sababtay in ciidamada isku dhafka ah ay fuliyaan weerar lama filaan ah oo looga gol lahaa in lagu fashiliyo qorshaha kooxda.
Wararka ka imaanaya dadka deegaanka ayaa sheegaya in uu jiro khasaare xooggan oo labada dhinac soo gaaray, inkasta oo tirada rasmiga ah ee dhimashada iyo dhaawaca aan weli la xaqiijin, sababo la xiriira xayiraadda ka jirta goobaha dagaalka. Dowladda Soomaaliya ayaa iyadu si hordhac ah guullo kaga sheegatay.
Mas’uuliyiinta ammaanka ayaa sheegay in howlgalka uu qayb ka yahay dadaallada lagu doonayo in Al-Shabaab looga saaro gobolka Hiiraan, loogana hortago in ay halkaas ku yeeshaan saldhigyo cusub, maadaama gobolka uu ka mid yahay meelaha istaraatiijiga ah ee dagaalka ka dhanka ah kooxda.
Dagaalkan saaka ayaa kusoo beegmaya iyadoo shalay ciidamada Xoogga iyo kuwa deegaanka Raaga Ceelle ay howlgal qorsheysan ka fuliyeen deegaanka Moora Godan ee waqooyiga magaalada Raaga Ceelle, gobolka Shabeellaha Dhexe. Howlgalkaas ayaa lagu beegsaday xarun Alshabaab u isticmaali jirtay daryeelka dhaawacyadooda iyo qorsheynta weerarrada. Dowladda ayaa sheegtay in halkaas khasaare lagu gaarsiiyay kooxda.
Waxaa la filayaa faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan dagaalka iyo khasaaraha ka dhashay in ay kasoo baxaan saacadaha soo socda.
Isha ku haay HBN ONLINE TV