Iyada oo meel adag ay mareyso xiisadda siyaasadeed ee u dhexeysa xubnaha Mucaraadka ah iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya DFS ayaa waxaa si weyn u soo shaac baxay hal qodob oo xaaladda taaggan in la xaliyo lama huraan u arkaan siyaasiyiinta dowladda ka soo horjeeda.
Hadaan dib idiin xasuusino, Baarlamaanka Soomaaliya ee 11-aad ee ka kooban labada aqal ayaa 30-kii bishii Maarso ee sanadkii hore waxay “Cod aqlabiyad leh” ku ansixiyeen dib u eegidda dasturuka iyo wax ka beddelka qaar ka mid ah afar cutub oo dastuurka ku jira.
Qaar ka mid ah waxyaabaha la beddelay waxaa ka mid ah muddada xil haynta madaxweynaha oo laga dhigay 5 sano, halkii ay markii hore afar sano ahayd, iyadoo madaxweynahana uu ku imaanayo doorasho ay shacabku soo dooranayaan.
Waxaa kaloo wax laga beddelay arrinta ku saabsan guddiga doorashooyinka oo markii hore ahaa mid madax banaan, laakinse wax ka beddelkan uu ka dhigayo mid uu madaxweynuhu magacyada xubnaha qoraal ku soo saaro marka ay soo jeedin uga timaado golaha wasiirrada.
Waxaa kaloo wax laga bedelay arrimaha ay siyaasiyiinta aadka uga qayliyeen ee u badan awoodaha madaxweynaha sida magacaabidda ra’iisul wasaaraha iyo doorashooyinka dalka oo guddiga uu madaxweynaha soo magacaabayo ay qabanayaan.
HBN ONLINE TV