Muxuu yahay qodobka la isku fahmi waaye ee shirkii Mucaaradk iyo Villa Soomaaliya?

Xubnaha Madasha “Samatabixinta Soomaaliyeed” oo ka hadlay kulankii maanta ay la yeesheen madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in wareega labaad ay kala hadleen qodobadii is aragii kowaad ee la soo saaray, iyaga oo si aad ah uga dooday qodobka dastuurka oo tilmaamay inay isku fahmi waayeen.

Afhayeenka Madasha Daahir Maxamuud Geelle oo warbaahinta la hadlay in tilmaamay in madaxda ay hordhigeen marka hore cabasho ay ka sideen Jubbaland oo ku aadaneyd xalu helidda duulimaadyada iyo deeqaha caalamka, balse ay waayeen sida uu hadalka u dhigay jawaab ku filan.

Arinta dastuurka oo ah qodob si weyn ay labada daraf isugu hayeen oo miiska la soo saaray ayuu Afhayeen Daahir si cad u sheegay in wakhti dheer ay kawada doodeen dhinacyadu, laakiinse lagu guuldareysay in isfaham buuxa lawada gaaro. Wuxuu sheegay in Dowladdu codsatay in

“Dastuur aad iyo aad ayaa aan uga doodnay, laakiin waa isla meel-dhigi weynay. Markii dambe waxaan ku soo afmeernay iyadoo weliba dowladdu codsatay in wakhti ay qaataan ka hor 20-ka bisha” ayuu yiri Afhayeenka Mucaaradka Daahir Geelle.

Kulanka maanta wuxuu ku soo beegmayaa xilli ay Mucaaradku si cad u diideen qaabka loo wajahayo wax ka beddelka dastuurka iyo jihada cusub ee doorashooyinka, taasoo khilaaf siyaasadeed oo hor leh abuurtay. Sidoo kale waxaa aragtidaan kala midaysan maamulada Puntland iyo Jubbaland.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed