Uganda oo si hor dhac ah u siidaysay xogta dhimashada iyo dadka ka badbaaday ayaa sheegtay in saddex qof oo ka mid ah dadkii saarnaa diyaaradooda militari ee ay ka badbaadeen shilkii maanta ka dhacay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, iyagoo qaba gubashooyin daran, sida Afhayeenka militariga Uganda Sarreeye Guuto Felix Kulaigye oo shaaciyay.
Sida uu sheegay Kulaigye, duuliyihii, duuliye-ku-xigeenkii, iyo injineerkii diyaaradda ayaa ka badbaaday shilka, balse dhaawacyo halis ah iyo gubashooyin daran ay soo gareen.
Shilkan ayaa sababay dib u dhac ku yimid duullimaadyo diyaarado, hase yeeshee duullimaadyada gudaha dalka ayaa si caadi ah u socday iyadoo aysan saameyn weyn ku yeelan habsami u socodka guud ee garoonka.
Baaritaan rasmi ah oo wadajir ah ayaa la filayaa in ay sameeyaan dowladda Soomaaliya iyo AUSSOM si loo helo xog buuxda oo ku saabsan sababaha keenay shilka.
Geesta kalane Safaarada Maraykanka ee Soomaaliya oo ka hadashay shilkii diyaaradeed ee ka dhacay garoonkaMuqdisho ayaa sheegtay inay ka xuntahay diyaaraddii manta ku dhacday garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde.
Waxay sheegeen inay tacsi u dirayaan ehelada geesiyada geeriyooday iyagoo howlahooda shaqo ku jira, waxayna dhanka kale caafimaad deg deg ah u rajeeyeen kuwa uu dhaawaca soo gaaray.
Waxaa kale oo ay intaa ku dareen inay garab taaganyihiin Soomaalida iyo xubnaha Midowga Africa xiligan adag.
HBN ONLINE TV