AUSSOM oo war ka soo saartay diyaarad ay leedahay Uganda oo ku burburtay Garoonka Muqdisho

Howlgalka Midowga Afrika ee taageerada iyo xasillinta Soomaaliya (AUSSOM) ayaa war rasmi ah ka soo saaray diyaarad qumaatiga u kacda (helicopter) oo ay leeyihiin ciidamada Uganda, taasoo maanta ku burburtay garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Diyaaradda oo ka soo duushay saldhigga milateri ee Baledoogle, oo qorshuhu ahaa inay ku degto garoonkaMuqdisho ayaa maanta si lama filaan ah ugu dhacday xilli ay kusoo dhowaatay inay ku degto garoonka. AUSSOM ayaa sheegay in shilka uu dhacay durba marka ay diyaaraddu ku dhowaatay dhabbaha degista.

War-saxaafadeedka ka soo baxay AUSSOM ayaa lagu sheegay in saddex qof oo ka mid ah 8-dii qof ee saarnaa diyaaradda si degdeg ah loo badbaadiyay, islamarkaana loo qaaday isbitaalka heerka labaad ee AUSSOM ee Muqdisho si loo siiyo daryeel caafimaad.
Howlgallo samatabbixin ah ayaa weli socda si loo helo xubnaha kale ee saarnaa diyaaradda ee aan weli la helin sida lagu sheegay bayaanka AUSSOM.

Hay’adaha duulista hawada ee Soomaaliya ayaa bilaabay baaritaanno si loo xaqiijiyo sababta rasmiga ah ee keentay shilka diyaaradeed.
AUSSOM ayaa uga mahadcelisay laamaha gurmadka degdegga ah sida ay uga jawaabeen xaaladda, waxayna ballanqaadeen inay la socon doonaan baaritaanka ilaa laga helo xog buuxda.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed