Diyaarad Midowga Afrika lahaayeen oo garoonka Muqdisho ku burburtay & DFS oo ka hadashay

Dowladda Federaalka Soomaaliya DFS ayaa faahfaahin ka bixisay diyaarad nuuca qumaatiga u kacda ah (helicopter) oo ay leeyihiin howlgalka Midowga Afrika ee AUSSOM, taas oo ku burburtay qeybta Afasiyooni ee Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Maareeyaha Guud ee Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed Axmed Macallin Xasan ayaa sheegay in diyaaradda ay ka soo kacday Garoonka Baledogle ee gobolka Shabeellaha Hoose, isla markaana ay saarnaayeen 8 ruux. Ilaa hadda lama oga xaaladda shaqaalaha iyo rakaabka saarnaa diyaaradda, maaadama ay burburtay.

Maareeyaha ayaa sidoo kale sheegay in weli socdaan howlaha gurmadka iyo daminta dab ka kacay goobta ay diyaaraddu ku burburtay. Waxa uu intaas ku daray in baaritaan lagu ogaan doono sababta keentay shilka.

Sidoo kale, maamulka garoonka ayaa xiray ilaa 600 mitir oo ka mid ah waddada diyaaradaha ay ku ordaan (runway-ga), gaar ahaan dhanka Afasiyooni, maadaama halkaas ay ku baahsanaayeen burbur iyo walxo kale oo ka dhashay diyaaradda.

Ma jiro war rasmi ah oo ilaa hadda ka soo baxay Taliska midowga Afrika ee AUSSOM oo ku saabsan dhacdadaan diyaaradda iyo dadkii saarnaa.

Isha ku haay HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed