Warbixin cusub oo uu daabacay wargeyska Africa Intelligence ayaa lagu sheegay in Dowladdaa Imaaraadka Carabta si qarsoodi ah ugu bedeshay Garoonka Diyaaradaha magaalada Boosaaso ee Puntland xarun istiraatiiji ah oo laga raro hub, diyaaradaha aan duuliyaha lahayn (drones), iyo dagaalyahanno ajaanib ah oo loo dirayo ciidamada RSF ee ka dagaallama dalka Suudaan.
Warbixintu waxay muujinaysaa in garoonka Boosaaso oo ah mid rayid rasmi ahaan loo adeegsanayo in lagu raro shixnado aan la diiwaangelin iyo shaqaale aan la ogayn, taasoo Imaaraadka ka caawinaysa inuu ka dhuunto indhaha caalamka, sida hadalka loo dhigay.
Wargeyska ayaa sheegay in maamulka Puntland uu suurtageliyey diyaarado Imaaraadku leeyahay ay si joogto ah uga duulaan Boosaaso, iyagoo u socdaalaya meelo ka mid ah Suudaan iyo Chad si hubka loo gaarsiiyo RSF.
Warbixinbta Africa Intelligence ayaa waxaa lagu sheegay in sawirro laga qaaday dayax-gacmeed ayaa muujinaya in meel u dhow Boosaaso lagu rakibay nidaamka radar ee ELM-2084 oo ay sameeyaan shirkado Israa’iili ah. In kasta oo la sheegayo inuu yahay difaac ka dhan ah weerarada diyaaradaha Xuutiyiinta -Yemen, khubaradu waxay rumeysan yihiin in Raadeerkaasi yahay mid lagu sugayo amniga howlaha cirka ee Imaaraadka iyo la socodka dhaqdhaqaaqa guud ee gobolka.
Sidoo kale, warbixintu waxay iftiimisay in la qortay ciidan calooshood u shaqeystayaal ah oo u badan askar hore oo reer Kolombiya ah, kuwaas oo la soo marinayo Boosaaso ilaa Benghazi oo ah magaalada 2-aad ee ugu weyn Liibiya, ka hor inta aan loo dirin goobaha dagaalka ee Suudaan.
Shabakaddan calooshood u shaqeystayaasha ah iyo hubka la wareejinayo ayaa muujinaya waxa khubaradu ku tilmaameen “silsilad qarsoon oo sahay dagaal ah.”
Imaaraadka Carabta ayaa si rasmi ah u beeniyay inuu hub siinayo RSF, isagoo sheegay inay yihiin howlaha uu ka wado Afrika kuwo bani’aadanimo. Si kastaba ha ahaatee, caddeymo isa soo taraya—oo ay ku jiraan diiwaannada duullimaadyada, rakibidda radar-ka, iyo markhaatiyo ayaa muujinaya wax ka duwan sheegashadooda sida xogta wargeysku sheegayso.
Suudaan ayaa xiriirka diblomaasiyadeed u jartay Imaaraadka bishii May, kadib markii weerar drone ah oo RSF ay ka geysatay magaalada Port Sudan lagu eedeeyay inuu ka yimid tiknoolajiyad ay Imaaraadku keeneen.
Khubarada ayaa ka digay in howlgalka Boosaaso uu sii dheereyn karo dagaalka sokeeye ee Suudaan, isla markaana uu khatar gelin karo xasilloonida gobolka waqooyi-bari ee Soomaaliya.
Warbixinta Africa Intelligence ayaa dhalisay baaqyo loogu yeerayo baaritaan caalami ah oo lagu sameeyo ku xadgudubka Imaaraadka ee cunaqabataynta hubka iyo madaxbannaanida hawada gobolka.
Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay maamulka Puntland oo la xiriira warkan uu qoray wargeyska Africa Intelligence.
HBN ONLINE TV