Ciidanka Kumaandooska Danab ee Xoogga Dalka Soomaaliya iyo Ciidamada Maamulka Jubbaland ayaa howlgal qorsheysan oo socday muddo saddex maalmood ah ka fuliyay deegaanka Maqooqaha iyo tuulooyin kale oo ka tirsan gobolka Jubbada Hoose, kaasi oo si gaar ah loogu beegsaday saldhigyada iyo goobo ay ku lahaayeen Alshabaab.
Howlagalka ayaa Danab sheegtay intii uu socday in lagu dilay in ka badan 50 xubnood ooAlshabaab ah, kuwaas oo ay ka mid ahaayeen sida la sheegay horjoogayaal sare iyo ajaaniib u dhashay dalal shisheeye.
Ciidamada ayaa sidoo kale ku guuleystay inay gacanta ku dhigaan hub iyo saanad ciidan oo badan, isla markaana burburiyaan xarumo iyo godod ay kooxdu lahaayeen.
Sidoo kale, intii uu socday howlgalka ayaa la carrababay in la fashiliyay gaari qaraxyo laga buuxiyay oo Alshabaab u diyaariyeen sida hadalka loo dhigay inay shacabka ku dhibaateeyaan, kaasi si farsamaysan loo burburiyay. Danab ayaa sheegtay in ka hortagga gaarigaasi ay tahay in dad rayid ah laga badbaadiyo khatar weyn.
Howlgalkan inta uu socday ayaa la tilmaamay inay kaalin ka qaateen saaxiibada caalamiga ah ee ciidamada, kuwaas oo duqeymo dhanka cirka ah la beegsaday xarumo muhiim ah oo ay Alshabaab isticmaali jireen, taas oo gacan weyn ka geysatay sida hadalka loo dhigay guusha la gaaray.
HBN ONLINE TV