Maxay ka wadahadleen madaxweynaha Somaliland & Ra’isalwasaaraha Qadar?

Ra’isalwasaaraha ahna Wasiirka Arrimaha Dibedda dalka Qadar Sheikh Maxamed bin Cabdulraxman bin Qaassim Al Thani ayaa maanta magaalada Dooxa ku qaabilay Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi (Cirro), oo booqasho ku jooga dalka Qadar.

Wakaalada wararka dalka Qadar ee magaceeda loo soo gaabo QNA oo warkan baahisay ayaa sheegtay in intii lagu guda jiray kulanka, labada dhinac ay ka wadahadleen xaaladda Soomaaliya iyo isbeddellada ka jira, iyaga oo carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la taageero dadaallada lagu xaqiijinayo amniga iyo xasilloonida gobolka. Waxa kale oo ay isla meel dhigeen dariiqooyinka lagu xoojin karo isgaarsiinta iyo kalsoonida dhexdooda.

Ra’iisul Wasaaraha ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Qatar ayaa mar kale adkeeyay rumaysnaanta Qatar ee ah in mustaqbalka Soomaaliya uu ku jiro furfurnaan iyo wadahadal wax ku ool ah oo dhex mara dhammaan qaybaha kala duwan ee dalka, iyadoo la ilaalinayo madax-bannaanida Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo midnimadeeda qaran, sida ay baahisay wakaalada wararka QNA.

Dhinaca kale war lagu baahiyay warbaahinta ku hadasha afka xukuumada Somaliland ayaa waxaa lagu sheegay in kulanka Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Cirro uu la yeeshay Ra’isalwasaaraha dalka Qadar labada dhinac ay ka wada hadleen fursadaha iskaashi ee dhinacyada ganacsiga, kaabayaasha dhaqaalaha, tamarta, waxbarashada, iyo maalgashiga, iyada oo ujeedadu tahay horumarinta kobaca dhaqaalaha iyo xasilloonida gobolka.

Warka ayaa intaasi ku daray in Madaxweynaha Somaliland iyo Ra’isal wasaaraha Qadar ay sidoo kale ka wada hadleen nabadda iyo xasiloonida gobolka iyo doorka ay Somaliland ku leedahay nabadda, amniga, iyo xasiloonida Geeska Afrika iyo marinka Badda Cas.

HBN ONLINE TV 

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed