Dab xooggan ayaa saaka ka kacay Suuq Mugdi, oo ah suuqa ugu weyn magaalada Garissa, halkaas oo ay si weyn uga ganacsadaan ganacsatada Soomaaliyeed ee Kenya ku nool. Dabka ayaa sababay burbur baaxad leh oo gaaray dukaamo iyo bakhaaro tiro badan, wuxuuna saameeyay goobo ganacsi oo muhiim u ahaa dhaqaalaha deegaanka.
Illaa iyo hadda lama xaqiijin wax khasaare nafeed ah, iyadoo ciidamada booliska iyo dab-damiska ay si degdeg ah uga jawaabeen dhacdada. Dabka oo socday muddo ka badan laba saacadood ayaa hadda inta badan la xakameeyay, inkastoo gurmadka iyo dab-demiska weli ay socdaan, sida ay ku soo warameen warbaahinta gudaha Kenya.
Bilow Bashiir Cabdow oo ah guddoomiyaha guddiga ganacsatada Garissa oo BBC-da u warramay ayaa sheegay in gubashada suuqa ay bilaabatay aroor hore saakay.
“Waxaan u imid suuqa oo badi gubtay, markaas baan dadaal galnay dab-damiskii ayaa yimid gurmad ayaana la bilaabay.” Ayuu yiri.
Sidoo kale, Maamulka Garissa ayaa sheegay in uu socdo baaritaan lagu ogaanayo sababta keentay dabkan, iyadoo aan wali si rasmi ah loo caddeyn waxa sababay.
Ma aha markii ugu horreysay ee suuqan uu gubto, arrimo kala duwan ayaana sababayay gubashadiisa. Suuq Mugdi ayaa ah xarun dhaqaale muhiim ah oo ay bulsho weynta Soomaalida Kenya ku tiirsan tahay, waxaana dabku uu saameyn ku yeeshay nolosha ganacsatada iyo dhaqdhaqaaqii suuqeed ee caadiga ahaa.
Isha ku haay HBN ONLINE TV