Wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday in la qaban doono shirweynaha dhamaystirka maamulka SSC-Khaatumo, kaasi oo lagu wado inuu dhaco 10-ka bisha inagu soo aadan ee Luulyo.
War saxaafadeed qoraal oo ka soo baxay Xafiiska Wasiirka Arrimaha Gudaha Cali Yuusuf Xoosh, ayaa lagu sheegay in go’aankan uu daba socdo dadaallada socda ee dhismaha iyo dhamaystirka maamulka cusub ee SSC-Khaatumo, iyada oo laga duulayo qodobka 49-aad ee Dastuurka KMG ah iyo go’aamadii kasoo baxay shirkii Golaha Wadatashiga Qaran ee dhacay 6–7 May 2025, iyo booqashadii Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomalaiya ee gobolkaasi 15-kii April 2025.
Sidoo kale, Wasaaraddu waxay tilmaantay inay magacaabi doonto xubno farsamo oo la shaqeyn doona dowladda iyo maamulka SSC-Khaatumo, si ay gacan uga geystaan dhammeystirka arrimaha farsamada iyo siyaasadeed ee shirweynaha.
Tallaabadan ayaa qeyb ka ah geeddi-socodka dib-u-heshiisiinta iyo dhismaha nidaamka federaalka dalka, iyadoo loogu talagalay in la dhiso maamul rasmi ah oo matala dadka SSC-Khaatumo si waafaqsan dastuurka dalka.
HBN ONLINE TV