Dowladda Turkiga ayaa heshiis is-afgarad ah (MoU) la saxiixatay wadamo Afrikaan ah oo leh xeebaha badaha, kuwaas oo ay kamid tahay Soomaaliya, si ay uga wada shaqeeyaan horumarinta isku xirka gaadiidka iyo kaabayaasha dhaqaale.
Soomaaliya ayaa si diiran u soo dhaweysay iskaashiga Turkiga, gaar ahaan dadaallada lagu horumarinayo dekedaha dalka, taas oo qeyb ka ah mashruucyo ballaaran oo ay Turkigu ka fulinayaan gudaha Soomaaliya, si loo xoojiyo ganacsiga iyo isku xirka gobolka.
Heshiiskan waxaa Soomaaliya u saxiixay Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda ee Soomaaliya, Cabdulqaadir Maxamed Nuur oo ku dhawaaqay in qalinka lagu duugay is-afgarad oo ay wada gaareen Soomaaliya, Turkiga, iyo dalal Afrikaan ah oo leh xeebaha badda, ayaa xusay in heshiiskan uu xoojinayo doorka Soomaaliya ee kor u qaadidda ganacsiga iyo kobaca dhaqaalaha gobolka, isagoo la jaanqaadaya wadahadalladii ka dhacay Shirkii Caalamiga ahaa ee isku xirka Gaadiidka ee lagu qabtay magaalada Istanbul ee dalka Turkiga.
Heshiiskan ayaa la filayaa inuu sare u qaado fursadaha ganacsi, fududeynta xamuulka iyo xiriirka dhanka gaadiidka badda, iyadoo Turkigu yahay mid ka mid ah saaxiibada istiraatiijiyadeed ee Soomaaliya ee dhanka horumarinta kaabayaasha.
HBN ONLINE TV