Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhagax-dhigay dhismaha Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee New Mogadishu International Airport, oo laga hirgelinayo degmada Warsheekh ee gobolka Shabeellaha Dhexe.
Munaasabadda dhagax-dhigga ayaa waxaa Madaxweynaha ku wehliyey mas’uuliyiin ka kala socday Dowlad-goboleedka Hirshabeelle, maamulka gobolka Banaadir, iyo xubno ka tirsan maamulka garoomada dalka.
Dhagax-dhigga mashaariicdaan ayaa dhalisay su’aalo la xiriira cidda si rasmi ah u maamuli doonta howlaha dhismaha iyo maamulka mashruuca inta uu socdo, maadama ay Hirshabeelle iyo gobolka Banaadir ka soo muuqdeen goobta.
Garoonka diyaaradaha ee deegaanka Haawaay oo loogu magac-daray “Muqdisho Cusub” ayaa lagu wadaa inuu noqdo mid casri ah oo leh awood uu ku qaabilo duulimaadyada gudaha iyo kuwa caalamiga ah, iyadoo la filayo in uu xoojiyo isku socodka bulshada iyo ganacsiga.
Dowladda Federaalka ayaa sheegtay in mashaariicdan ay muujinayaan sida ay uga go’an tahay dhismaha dalka iyo ballaarinta adeegyada muhiimka ah ee shacabka, iyadoo lagu dadaalayo in horumarka laga gaaro gobollada dalka si siman loo gaarsiiyo.
HBN ONLINE TV