Ciidanka Kumaandooska Danab ayaa howlgal qorshaysan oo ay ka fuliyeen deegaano hoos taga gobolka Shabeellaha Hoose waxay gacanta ku dhigeen xubno badan Alshabaab iyo horjooge sare, kaasi oo la soo bandhigay isaga iyo hub badan.
Howlgalkan oo oo la tilmaamay inuu ahaa mid si xeeladeysan loo fuliyay ayaa sidoo kale lagu soo qabtay hub kala duwan oo ay isticmaali jireen kooxdu, mooto dul banaan ah o ay u adeegsan jireen weerarada sida hadalka loo dhigay dhibaateynta ah ee shacabka iyo tiro maleeshiyaad ah oo lala xiray horjoogaha.
“Howlgal oo ahaa mid Qorsheysan Ayaa Ciidanka Waxa ay ku Guuleysteen In ay Gacanta Kuso Dhigaan Horjooge Sare. Ciidanka Waxay Gacanta kuso dhigeen hub kala duwan oo ay isticmaali jireen Khawaariijta Iyo Mooto ay u isticmaali Jireen Dhibaateynta Shacabka” ayaa lagu yiri war kasoo baxay taliska Danab.
Sidoo kale, Ciidanka Danab ayaa sheegay in horjoogaha la soo qabtay uu mas’uul ka ahaa weeraro dhowr ah oo lagu beegsaday dad rayid ah iyo xarumo dowladeed, waxaana hadda lagu hayaa baaritaanno lagu ogaanayo xog dheeraad ah oo ku saabsan shabakadaha uu la xiriiray.
Ciidanka Danab ayaa tilmaamay inay sii wadi doonaan howlgalka ka dhanka Alshabaab ee ka socda koonfurta dalka, iyadoo diiradda la saarayo sugidda amniga iyo xasilloonida guud ee shacabka Soomaaliyeed.
HBN ONLINE TV