Iyadoo dalka Kenya uu toddobaadkan wajahay dibadbaxyo rabshado wata oo ruxay magaalooyin waaweyn, ayaa dowladda Kenya ku sheegtay mudaharaadyadaasi inay ahaayeen isku day afgambi, sida uu sheegay Wasiirka Arrimaha Gudaha Kipchumba Murkomen. Wasiirku waxa uu sheegay in bannaanbaxyadii dhacay aysan ahayn rabshado caadi ah, balse ay ahayd qorshe siyaasadeed oo lagu doonayo in lagu carqaladeeyo dowladda.
“Boolisku ma aysan adeegsan awood xad dhaaf ah. Waxa ay xakameeyeen isku daygii afgambi,” ayuu yiri Murkomen oo beeniyay in ciidamada ammaanku si xad dhaaf ah ula dhaqmeen dadka dibadbaxa sameynayay.
Isagoo hadalkiisa sii wata, Wasiir Murkomen wuxuu sheegay in mudaharaadyada ay kiciyay siyaasiyiin “si xun uga faa’iidaysanaya dhalinyarada”, iyagoo leh ujeedooyin qoto dheer oo lagu doonayo in lagu afgambiyo dowladda.
Sidoo kale, Rabshadahan ayaa si weyn u saameeyay ganacsatada Soomaaliyeed ee ku sugan Kenya, gaar ahaan magaalada caasimadda ah ee Nairobi. Suuqyada Soomaalidu ku leeyihiin magaalada ayaa gebi ahaanba xirmay, iyadoo dadkii Soomaaliyeed ee ganacsiga lahaa ay badankood guryahooda joogeen, si ay uga nabadgalaan qalalaasaha ka taagan waddooyinka iyo xarumaha ganacsi.
Soomaalida ku nool Kenya oo ah bulsho ganacsi xoog leh, ayaa dareemaya walaac weyn oo ku saabsan sii socoshada mudaharaadyadan, maadaama ay toos u saameynayaan noloshooda iyo dhaqaalahooda, iyadoo khasaarooyin dhaqaale iyo jahwareer laga dareemayo dhammaan meelaha ay Soomaalidu ganacsiga ka wadaan.
Xaaladda cakiran ee siyaasadeed ee Kenya ka taagan ayaa muujinaysa in dibadbaxyadu saameyn ballaaran ku yeesheen ganacsatada, gaar ahaan kuwa Soomaalida.
HBN ONLINE TV