Duqeyn lagu dilay ku dhawaad 20 Xubnood oo Alshabaab ah oo ka dhacay Hirshabeelle

Dowladda Federaalka Soomaaliya DFS oo faahfaahin ka bixisay howlgal duqeyn ah oo si gaar ah loogu beegsaday kooxda Alshabaab oo lagu dilay ku dhawaad 20 xubnood ayaa sheegtay in saacadihii la soo dhaafay in laga fuliyey deegaanno ka mid ah Hirshabeelle.

Howlgalkan oo ay fuliyeen Ciidanka Xoogga Dalka oo garab ka helaya saaxiibada caalamiga ah ayaa la tilmaamay inuu ka dhacay deegaanka Mabaax ee gobolka Hiiraan.

Bartilmaameedka howlgalka ayaa la carrababay inuu ahaa gaadiid dagaal oo ay wateen xubno Alshabaab ah oo doonayay sida la carrabaabay in ay ku baxsadaan, kaasi oo lagu dilay 18 xubnood oo ka tirsan maleeshiyaadka, iyadoo sidoo kale la burburiyey laba gaari oo ah nooca dagaalka.

Sidoo kale, Dowladda Soomaaliya waxay mar kale ku celinaysaa sida ay uga go’an tahay sii wadidda duqeymaha, iyadoo howlgallada socda ay qayb ka yihiin sida la tilmaamay dadaallada lagu xaqiijinayo nabadda, amniga iyo xasilloonida dalka.

Dhanka kale, bayaan kasoo baxay Hay’adda Sirdoonka NISA ayaa lagu carrabaabay in iyagu fuliyeen duqeyntaasi ka dhacay deegaanka Mabaax ee gobolka Hiiraan.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed