Puntland iyo Jubbaland oo uga digay Dawlada Federaalka ee “xadgudubka awoodeed”

Madaxweynayaasha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni iyo Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe ayaa maanta soo saaray war-saxaafadeed si weyn loo sugayay, kaddib markii ay magaalada Garowe ku soo gabagabeeyeen shir wadatashi ah oo socday saddex maalmood oo diiradda lagu saaray mustaqbalka siyaasadeed ee Soomaaliya.

Labada hoggaamiye ayaa si cad uga digay waxa ay ugu yeereen “faragelin siyaasadeed iyo xadgudub awoodeed” oo kaga imaanaya Dowladda Federaalka, iyaga oo ku eedeeyay Villa Soomaaliya in ay si sharci-darro ah u maamuleyso sida hadalka ay u dhigeen adeegyada muhiimka ah sida maamulka hawada iyo deeqaha beesha caalamka, ayna dayacday doorkii ay maamul goboleedyadu ku lahaayeen hannaanka dowlad-dhisidda.

Bayaanka oo ka koobnaa 11 qodob oo xasaasi ah ayaa lagu adkeeyay in:

1- Dastuurka Kumeelgaarka ah ee 2012 aan wax laga beddeli karin ilaa laga helo wadatashi qaran iyo afti dadweyne.
2- Dowladda Federaalka laga rabo inay ixtiraamto nidaamka federaalka, ayna ka waantoowdo “ku takri fal awoodo aan dastuurku siin.”
3- Puntland iyo Jubbaland aysan aqbaleyn doorashooyin ama heshiisyo aan lagu dhisin ra’yiga dhammaan maamul goboleedyada.
4- Golaha Samatabixinta iyo siyaasiyiinta mucaaradka ay taageersan yihiin dadaallada lagu xallinayo khilaafaadka siyaasadeed ee dalka.

Deni iyo Madoobe ayaa sidoo kale si xooggan u cambaareeyey waxay ku sheegeen siyaasadeynta adeegyada, gaar ahaan maamulka hawada Soomaaliya oo ay ku eedeeyeen Dowladda Federaalka in ay u adeegsato sida hadalka ay u dhigeen cadaadis siyaasadeed. Waxay sheegeen inay diyaar u yihiin inay dacwad rasmi ah u gudbiyaan Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan maamulka hawada (ICAO) si loo joojiyo waxa ay ku tilmaameen “takri-fal siyaasadeed”.

Dhanka amniga, Madaxweynayaashu waxay ku bogaadiyeen guulaha laga gaaray dagaalka lagula jiro Alshabaab iyo Daacish, waxayna ugu baaqeen dhammaan gobollada dalka in ay mideeyaan dadaallada lagu ciribtirayo kooxaha xagjirka ah.

Inkasta oo ay mar kale ku celiyeen in ay u taagan yihiin midnimada, wadajirka iyo dimuqraadiyadda Soomaaliya, haddana waxay caddeeyeen in aysan aqbaleyn in laga go’aan gaaro masiirka dalka iyaga oo aan qayb ka ahayn go’aamadaas.

Shirkan ayaa muujinaya kala fogaanshaha sii kordhaya ee u dhexeeya Puntland iyo Jubbaland oo ah labada maamul ee ugu awoodda badan dalka, iyo Dowladda Federaalka oo si isa soo taraysa loola xisaabtamayo qaabka ay u maamulayso awoodaha dalka.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed