Hay’adda Batroolka Soomaaliya oo sheegtay in bisha Luulyo ay Bandhi doonto Natiijooyinka Sahanka Batroolka

Hay’adda Batroolka Soomaaliya (SPA) ayaa ku dhawaaqday in ay bisha Luulyo si rasmi ah u shaacin doonto natiijooyinka sahanno batrool oo laga fuliyay gobollo kala duwan oo dalka ah, taas oo calaamad muhiim ah u ah jidka ay Soomaaliya ugu sii siqayso soo-saarka batroolka.

Warbixinta waxaa bixiyay Guddoomiyaha iyo Agaasimaha Guud ee SPA Injineer Cabdulkadir Aadan Maxamuud, oo xaqiijiyay in Soomaaliya ay isu diyaarinayso wejiga koowaad ee soo-saarka batroolka iyada oo kaashanaysa shirkado iyo dowlado caalami ah. Injineer Cabdulkadir oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa sheegay in qorshuhu yahay in soo-saarka batroolka si rasmi ah loo bilaabo dhammaadka sannadka 2025 ama billowga 2026.

Waxaa geeddi-socodkan taageeraya dowladda Turkiga oo haatan dhammaystiraysa diyaarinta markab qodaal oo gaar ah.

“Waxaan u soconnaa sidii aan u bilaabi lahayn soo-saarka batroolka bilooyinka soo socda. Xogta sahanka batroolka si rasmi ah ayaa loo shaacin doonaa bisha Luulyo, taasoo na siin doonta faham buuxa oo ku saabsan kheyraadka laga helay goobaha la baaray,” ayuu yiri Inj. Cabdulkadir.

Marka laga yimaado hawlaha xeebaha badda, Guddoomiyuhu wuxuu sidoo kale xusay in deegaanno dhul ah, gaar ahaan gobolka Shabeellaha Hoose, ay yihiin kuwa rajo wanaagsan laga qabo kadib baaritaanno horudhac ah. Wuxuu intaa ku daray in hawlgal buuxa laga bilaabi doono roobabka da’ay kadib marka xaaladdu ay ku soo noqoto caadi.

Hay’addu waxay sidoo kale mudnaanta siinaysaa sida ay tilmaantay horumarinta aqoonta iyo kartida dhallinyarada Soomaaliyeed. Inj. Cabdulkadir wuxuu sheegay in dhallinyaro badan loo diray dalal shisheeye si ay u bartaan tababarro farsamo, taas oo u oggolaanaysa inay door hoggaamineed ka ciyaaraan warshadda batroolka ee dalka.

“Waxaan dhiseynaa jiil Soomaaliyeed oo mas’uul ka noqon kara kheyraadka dabiiciga ah ee dalkooda. Hadafkeennu waa in aqoonyahannada Soomaaliyeed ay noqdaan kuwa hoggaamiya oo maamula warshadaha batroolka,” ayuu ku adkeeyay.

Sidoo kale, Wuxuu intaa ku daray Maadaama raadinta tamartu ay si xawli ah u socoto, Soomaaliya waxay taagan tahay meel istiraatiiji ah oo ay ka faa’iideysan karto kheyraadkeeda si loo horumariyo dhaqaalaha, loo abuuro shaqooyin, loona gaaro kobac qaran.

Ugu dambeyntiina, Hay’adda SPA waxay sheegtay inay markale caddeysay inay ka go’an tahay hufnaan, masuuliyad deegaanka ah, iyo in ummadda Soomaaliyeed ay si buuxda uga faa’iideyso wax-soo-saarka batroolka.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed