Maxaa la isku afgartay oo qodobo ah shirkii Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Mucaaradka?

Shirkii maanta u furmay Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo siyaasiyiinta mucaaradka ee ku midoobay Madasha Samata-bixinta Soomaaliyeed ayaa la soo xiray galabta, iyadoo dib loogu balamay sii socoshada shirka in la is arko dhamaadka todobaadka soo soo adaan.

Nuxurka shirkan ayaa qeexaya in dib loo sii amba-qaadi doonaa 3-da July 2025 wadahadalada labada dhinac, waxaana loo soo gaabiyay sababo la xiriira asbuuca xoriyadda. Kulanka maanta ayaa dhinacyadu isku raaceen ajandaha shirka u dhaxeeya hoggaanka dowladda iyo mucaaradka. Dhinacyada ayaa isku raacay in laga wada-hadlo afar ajande oo muhiim ah, kuwaasi oo kala ah:

  1. Adkeynta midnimada dalka
  2. Hannaanka dib-u-eegista dastuurka
  3. Amniga iyo ciribtirka argagixisada iyo
  4. Hannaanka doorashooyin toos ah oo heshiis lagu yahay

“Shirka maanta oo ku furmay jawi wanaagsan iyo is xog-wareysi ayaa
dood dheer iyo falanqeyn kadib, waxaa la isku raacay in laga wadahadlo afar ajande oo muhiim u ah dowlad-dhiska Soomaaliya,” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay Madaxtooyadda Soomaaliya.

Mucaaradka oo war cusub dhankooda ka soo saaray ka soo saaray kulankii maanta ay la qaateen Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxaa warbaahinta u akhriyey Afhayeenka Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed Daahir Geelle oo tilmaamay in la isku afgartay afarta ajende, balse ay sii socon doonaan sida uu hadalka u dhigay wadahadalada ay la leeyihiin madaxda dowladda Soomaaliya.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed