Khasaaraha ka dhacay dagaal culus oo Alshabaab maanta looga dilay xubno badan oo ka dhacay Masaajid Cali Gaduud

Faahfaahinno dheeraad ayaa ka soo baxaya dagaal culus oo maanta Ciidamada dowladda Soomaaliya ay Alshabaab kaga kala wareegeen gacan ku heynta magaalada Masaajid Cali Gaduud ee gobolka Shabeellaha Dhexe, halkaasi oo si awood ah looga saaray kooxda, waxaana la soo sheegayaaa inuu ka dhashay khasaare culus oo kooxda soo gaaray,  sida aan ka soo xiganay saraakiisha Ciidamada ee furinta dagaalka ku jira.

Ciidamada Danab ee gaarka u tababaran ee Xoogga dalka iyo kuwa Gorgor ayaa sheegay in maanta ay gudaha u galeen magaalada Masaajid Cali Gaduud oo sida ay tilmaameen ay ku baacsanayaan hlakaasi waxay ugu yeereen “Haraagida” xubnho ka mid ah Alshabaab.

War kooban oo lagu daabacay boggooda Facebook Danab ayaa lagu yiri “Ciidanka Kumandooska Xoogg dalka Soomaaliyeed XDS ee Danab & Gorgor ayaa Gudaha Magaalada Masaajid Cali Gaduud waxay Ka wadaan howlgalo lagu Nadiifinayo Amaanka Magaalada islamarkaana lagu baacsanayo Haraadiga Maleeshiyaadkii ku Sugna Magaalada”.

Sidoo kale, Ciidamada ayaa sheegay inay u soo bandhigi doonaan bulshada xogta dhameystiran ee dagaalka, taasi oo sawiro iyo muuqaallo ah, laakiin Ciidamada ma anaay sheegin inta ay gaarsiisan tahay khasaaraha jira ee kooxda soo gaaray iyo iyagaba.

Dhanka kale, Warbaahinta Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in Ciidamada Qaranka oo kaashanaya dadka deegaanka ayaa howlgal baalaran oo ka dhan ah Alshabaab ka wadaan magaalada Masjid Cali Guduud iyo deegaanka Geelgub ee Gobolka Shabeellaha Dhexem halkaasi oo la carrababay in khasaare culus lagu gaarsiiyey Alshabaab.

“Ciidamadu waxay xoreeyeen dhul baallaran, iyadoo howlgalka ugu xooggan uu hadda ka socdo gudaha Magaalada Masjid Cali Guduud” ayaa lagu yiri warka oo intaasi lagu daray “Intii howlgalku uu socday waxaa lagu khaarajiyay maleeshiyaad badan oo ka tirsan Khawaarijta”.

Ugu dambeyne, War Ciidamada kasoo baxay ayaa lagu soo afjaray fariin caga-jugleyn ah oo loogu goodiyey kooxda waxaana lagu yiri “Waxana Gabi ahaanba Meesha laga saaray Filinkii kula Daarashada ahaa iyadoona ay hawlgalka si gooniya u fulinayaan Ciidanka Xoogga Dalka.”

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed