Hay’adda Sirdoonka Soomaaliya ee NISA ayaa shaacisay faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan howlgallo qorsheysan oo ka dhacay deegaanka Mabaax ee gobolka Hiiraan iyo degmada Aadan Yabaal ee gobolka Shabeellaha Dhexe, kuwaas oo lagu beegsaday kooxda Alshabaab.
Howlgalladan ayaa la tilmaamay in lagu dilay horjoogayaal iyo maleeshiyaad ka tirsan Alshabaab, waxaana sidoo kale lagu burburiyay xarumo muhiim ah oo kooxda u adeegsan jireen daryeelka dhaawacyada dagaalyahannada, kaydinta hubka iyo diyaarinta gaadiidka qaraxyada.
NISA ayaa sheegtay in howlgalka uu qeyb ka yahay dadaallada lagu wiiqayo awoodda kooxda, lana burburinayo kaabayaashooda istiraatiijiga ah. Hay’addu waxay soo bandhigtay sawiro lagu inay yihiin qaabkii uu u dhacay sida hadalka loo dhigay sida howlgalladan loo fuliyay iyo guulaha laga gaaray.
HBN ONLINE TV